arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wax Ka Baro.. Caasimadda Indhasarcaadka Adduunka (Muuqaal)

Sixirka waxaan u aqaanna dareenka habeenka Ciidda, marka uu kuu yimaddo Baba Noyel oo hadiyad uu gurigaaga keeno.

Dhoolacaddeynta wejiga caruurta marka uu bakayle si lama filaan ah ugu soo baxo, xilligaas waxey garanayaan in arrinkaasi uu sixir yahay.

Waa hiwaayadeyda, waa waxa aan jacelahay, waana mihnadeyda, waxwalba ayey aniga ii tahay.

Ku soo dhawaada Colon oo ku taallada gobolka Mashiigaan, caasimadda sixirka adduunka.

Anigu waxaan ahayn Jone Istarliini, waxaa ii furan tukaanka Istarliin Majik.

Magacaygu waa Riik Fiishar, waxaan ahay milkiilaha iyo maamulaha fulinta ee shirkadda Faab Majik.

Waxaan ahay Giriig Boordiner, waxaan ahay maamulaha shirkadda Abbott Magic.

Waxaan haystaan kitaab wanaagsan, waa kitaab muqaddas ah.

Qeybo ka mid ah aad ayay u fuucan yihiin. waxaan halkan ku hayaa dab iyo kabriid.

Halkan waxaa ku yaalla saddex tukaan oo sixir ah gudaha Colon ee gobolka Mashiigaan, waxaan isku jirnaa saddex Afar gees qiyaas ahaan.

Waxaa si toos ah iigu dhaggan tukaanka Fab Majik, waxaa kale oo deegaanka ku yaalla Abut majik, dhankeenna galbeed.

Waxyaabo yaryar oo farabadan ayaa halka Colon ka jira. Waxaad waddooyinka ku arkaysaa koofiyado waaweyn oo ubaxyo ay ka dhex baxayaan. hal maqaaxi oo bizaha lagu iibyo ayaan leenahay, waxaan leenahay labo xarumood oo gaaska lagu iibiyo, waxaan leenahay laamabad kaliya oo aan iftiinka ka helno.

Sixiroolayaashu halkan waxey leeyahay waddo u gaar ah oo la mid ah tan roogga ay maraan dadka caanka ka ah ee Hollywood.

Qofka nasiibka u soo jiida iskuulkeenna sare waa (Faytingi Maajaay).

Waxaa halkan ku yaalla Tukaan qalabka sixirka ee Majik Siti, waxaa halka ku yaalla burkiyeer (Elegnas) ee tinta lagu hagaajiyo.

Magaaladan oo dadka daggan ay gaarayaan 1200 oo qof, waxaa ku yaalla saddex tukaan oo qalabka sixirka lagu iibiyo.

Abot Majik waxa uu howshiisa ka bilaabay kadib markii lagu qabtay shirka sixirka xilli laga joogo 80-sano.

Sixiroolayaal ayaa nooga yimid daafaha kala duwan ee adduunka, si ay wax uga korosadaan magaaladan, waxey yaqaannanna ay dadka ula wadaagaan.

Marka aad xeelad sixir sameyso oo ilmaha yar ay ku qoslaan oo ay la yaabaan, markaas ayaad arkaysa sixirka wejigiisa dhabta ah oo ku sawirmaya ilmahaa yar. waana qeybta ugu fiican.

Muddo 15 illaa 20-daqiiqo ah, saacad, ayaa waxaad filaysaa in qof aad ka kaxayso dunida uu ku nool yahay adigoo geynaya duni kare.

Aabahay waxaan u sheegi jira illaa yaraantaydii inaan halkan degi doono maalin un, oo aan tukaan sixir aan ka sameysan doono. sidaa darteed; riyadaydu wey ii rumowday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close