arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Yaxaas Jarjaray Jirka Caalimad Biology-ga ah oo Quudineysay (Muuqaal)

Shaybaarada magaalda Tomohoon ee gobolka Solaawsiga Waqooyi ee Indonesia ayaa la kulmay dhacdo xanuun badan oo ay ku naf weyday khabiir dhanka biology-ga ah jimcihii January 11.

Jariidada Daily Mail ayaa sheegtay in khabiirka biology-ga ee Deasy Tuwo oo (44 jir ah), ayaa waxey quudin jirtay yaxaaska oo lagu naaneyso “Meeri”, waxey hilib uga soo tuuraysay goobtii uu ku noolaa oo barkad si gaar ah loogu diyaariyay isla markaana ahayd shaybaar xaaladdiisa lagula socday, aad ayey ugu soo dhawaatay xayndaabkii kala dhex teedayay iyada iyo yaxaaska.

Sida ay boolisku sheegeen yaxaaska oo dhirirkiisu yahay 5 mitir ayaa kagaga soo booday meel sarreynteedu dhan tahay Hal-mirit iyo bar, waxaanuu u jiitay meeshii uu ku jiray.

Saaxiibada Tuwo markii ay soo gaareen shaybaarkii waxey arkeen yaxaaska oo barkadda ag hurda, isagoo afkiisa weyn ku dabooley maydka gabadhan.

Shaqaalihii shaybaarka ayaa isla markiiba la xiriiray shaqaalaha gurmadka degdegga ah, shaqaalihii marka ay yimaadeen waxaa u suurtagashay iney yaxaaska u qaadaan xarun isbitaal, dhakhaatiirta ayaana hadda ku wada baaritaan qeybtii uu haweenayda ka cunay ee calooshiisa gashay.

Shaqaalaha shaybaarka uu Meeri uu ku jiray ayaa sheegay inuu horey u weeraray yaxaaskani yaxaas kale, laakiin aan weli laga arkin inuu cadaawad u hayo aadanaha. Yaxaaskan ayaa lagu quudin jiray doorada, kaalluunka tuunaha, khabaradu waxey sheegeen inaan yaxaasku maydka wada cunin maadama aanuu xoog u gaajeysneyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close