WararkaWaxbarashada

10 sano Kadib.. Rahii Ugu Kalinimada Badnaa Dunida ee Romeo oo Loo Helay Juliet (Muuqaal)

Raha Romeo ee ku caanka ah inuu yahay kan ugu kalinimada badan adduunka, ayaa waxa uu ka baxay kalinimadii, kadib markii uu helay aroosad ka wehelisa nolosha kalinimada.

Shabakadda BBC-da qeybta luqadda Ingiriiska ku hadasha ayaa sheegtay in saynisyahannadu ay ku dhawaaqeen iney heleen Juliet, kadib markii ay safar daahrog ah ay ku aadeen duurka fog ee kaymaha Bolivia.

Juliet ayaa la helay kadib markii la isku keenay 5 rah, oo hadda xayndaab caafimaad ah lagu xanaaneynayo, maadama noocan raha ah laga ilaalinayo inuu dabargo’ ku dhaco.

Teresa Comacho Badani oo ah madaxa cilmiga xamaaratada ee mutxafka De Estoria ee magaalada Cochabamba, ayaa sheegtay in raha Romeo uu hadda daggan yahay wax dhaqaaq ah oo farabadanna aanuu sameyn, caafimaadkiisu wuu wanaagsan yahay, inuu wax cuno waa waajib, laakiin wuu khajilaad iyo caajis badan yahay.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay in Juliet ay ka shaqsiyad duwan tahay,  aad ayey u firfircoon tahay, si xoog ah ayey u dabbaalataa waxna u cuntaa, xilliyada qaar iney baxsato ayey isku daydaa.

Kris Jordan oo ka tirsan ururka caalamiga ah ee ilaalinta nolosha duurka ayaa yiri: “Waxaan haysannaa fursad dhab ah oo aan ku badbaadin karno nolsha raha ku nool biyaha sihawinkaas, in la soo celiyo qeyb ka mid ah kala duwanaanshiha noolaha kaymaha Bolivia, iyo in la daahrogo macluumaad muhiim ah sidii loo soo celin lahaa qeybo kale oo la mid ah oo hadda khatar ugu jira iney dabargo’aan.”

Rah biyoodka Rameo muddo 10 sano ah ayuu ku noolaa gudaha mutxafka, iyadoo la filayo noloshiisa iney gaarto illaa 15 sano, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay kii ugu dambeeyay ee raha noociisa ah ee la yiraahdo Sayhawinkaas.

February dii sanadkii hore ayaa maalintii munaasabadda ciidda jacaylka ku aadaneyd, mas’uuliyiinta mutxafku ay go’aan sadeen iney lamaane u helaan iyagoo beegsaday website-ka xiriirada jacaylka laga abuuro ee match.com.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close