WararkaWaxbarashada

Isku Ekaanshiyaha Lamaanaha Waa Aragti Cilmi Ah ee Lama Filaan Ma’aha (Muuqaal)

Marar badan ayaan la kulannaa lamaane isla socda oo aan moodno in xiriir qaraabo uu ka dhaxeeyo, xilliyada qaarna ay dhab noqoto in xiriir qaraabo uu ka dhaxeeyn karo qaraabo fogba ha noqdaane, in wejiga la iska shabbaho iyo shaqsiyadda, mustaxiil maaha, waxaa jira caddeymo badan oo loo hayo.

Marka ay arrintu soo noqnoqto oo la arko lamaane badan oo isku eeg isna shabbaha ayaa waxey arrintu isku bedelaysaa aragti oo theory cilmi ah ay noqoneysaa, lamafilaankii wey ka baxeysaa.

Arrintan falanqeynta ay saynisyahannadu ku sameeyeen wey fara badan tahay, qaarkood sababta ay lamaanuhu iskugu ekaadaan waxey ku fasireen iney tahay aadanaha caadi ahaan waxa uu jecel yahay inuu xiriir la sameeyo qofka shabbaha oo u eeg, maadama dabeecaddiisu ay u janjeerto oo naftiisa ay ku raaxeysato waxwalba oo aan ku cusbeyn, waxwalba oo ku cusubna uu ka gadoodo.

laakiin, dhankaasi waxa uu noqday hadda mid dib looga gurtay oo ra’yigaa hadda waa laga awood badan yahay, sababtuna waa marka aan eegno sawirka lamaanayaal badan sawirka bilowga hore ee noloshooda marka loo barbardhigo xilliyo kale oo noloshooda ah waqti iyo  muddo ay wada qaateen, waxaa kuu soo baxaya in shabbahaadoodu ay sii kordhayso, maadama ay deegaan ku wada nool yihiin, isku raashin ay cunayaan, isku biyo ay cabbayaan, ay seexanayaan kana soo wada toosayaan sariir qura, maadaama ay si wada jir ah saameyn ugu yeelanayso xaaladda ku hareeraysan.

Hadaba, dabeecadda nolosha,  tijaabooyinka maalinlaha ah iyo nidaamka cuntada waxey ku reebayaan raad isku mid ah, markaa waxaan arkaynaa in baruurta wejiga iyo jirka ka kale ka kortaa ay isku meel ka yeeshaan, arrintaas oo ka dhigaysa in muuqaalkoodu uu isa shabbaho si xoog badanna ay iskugu ekaadaan.

Sidaas oo kale, lamaanuhu waxey yeeshaan caadooyin ay si wada jir ah u sameystaa, sida habka tilmaanta wejiga ee dareenka carada iyo faraxadda oo ay iska shabbahaan, iyagoo sidoo kale iskaga dayda falcelinta iyagoo aan is fahamsaneyn oo keenaysa in shakligii iyo dabeecaddiiba ls iskaga ekaado, arrintaas oo dhankeeda keenaysa xasillooni caadifadeed iyo mid qoys oo dhexdooda ah, iyadoo shardiga ku xiran uu yahay in shaqsiyadda qofkood aanuu ku milmin midka qof kale.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close