WararkaWaxbarashada

Lama Filaan.. Khubarada Ammaanka electronic-ga oo Ka Digaya In Laga Qeybgalo The 10-year Challenge ee Facebook Ka Furan (Muuqaal)

Waqti kasta waxaa soo baxa mowjado cusub oo ay dadku si xoog ah ugu daataan oo ka furma dhanka baraha-bulshada ee uu ugu horreeyo Facebook, waxii ugu dambeeayay ee ay dadku si aad ah ugu daateen ayaa ahayd janlanjiga 10 sano ee ay dadku ku faanayaan faafinta sawirkooda iyo sida ay u ekaan jireen 10-sano kadib.

laakiin websiteka the Wired ayaa ka digay in arrintu aaney ahayn xasuusin waayahaagii hore khuseeya, ee arrintu ay sidaa ka xeel dheer tahay oo khatarteedana leedahay.

Haweenayda Cilmi-baaraha ah ee arrimaha ammaanka electroniga ku takhasustay ee la yiraahdo Kate O’Neil ayaa sheegtay in jaalanjiga 10-ka sano ee hadda Facebook lagu daadsan yahay taxaddarkeeda laga qaato.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Arrintani khatarteeda ayey leedahay, gaar ahaan marka aan eegno siinaariyowga qaaabka wejigaagu isku bedelay muddo 10-sano ah, waxaa suurtaggal ah in laga sameeyo Algorithm suurtaggal ah iney sawirka si mug leh u dhex galo oo laga dhinaandhiriyo shaqsiyadaada, sawirkaaga aad faafisay adigoon wax taxadar ah aan ka muujin.”

In kasta oo ay jirto in dadka qaar ay is oran karaan in khiyaano badan ay ku jirto oo shirkadda Facebook ay dano badan ka leedahay janlanjigan cusub, ayaa dhab ahaantii sawiradadaada gaarka ah muddo 10-sano ah uu Facebook dano ka xeel dheer uu ka leeyahay.

O’Neil , waxey tiri in sawiradan la faafiyo oo jalanjigaa laga qeybgalo waxa uu layli u noqonayaa Algorithm-ka ay Facebook u diyaarisay oo garashada wejiga ku wanaagsan, si waxyaabaha gaarka ah ee ku aaddan da’da qofka iyo kolba sida uu u weynaanayo uu markaa odorosi karo, waana kan ay marar badan ku aragno iney soo bandhigaan muuqaalka sida aad u ekaan karto marka ay da’ daadu weynaato.

Haweenaydan arrimaha ammaanka ku takhasustay ee O’Neil  waxey caddeysay in arrintani ay u ogolaaneyso shirkadaha teknoloojiyada ee ay Facebook ugu horreyso iney helaan xog ballaaran oo biyo kama dhibcaan ah oo ay la socdaan sawirro tiro badan, waana arrinta u saamaxeysa iney si xoog badan u xakameeyaan oo ay helaan khusuusiyaadka dadka ka wada xiriira barta.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close