WararkaWaxbarashada

Magaca Muhammad Ali oo Loo Bixiyay Airportka Louisville ee Dalka Mareykanka

Magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ayaa goosatay iney ku Sharafto Halyaygii feerka ee Maxamed Cali Kallaay in magaciisa loo bixiyay Airportka magaalda, maadama uu ahaa halyay magaalada ka soo jeeda.

Mayorka magaalada Louisville Greg Fischer ayaa bartiisa twitterka soo dhigay qoraal uu ku yiri: “Muhammad Ali waxa uu ahaa qof heer caalami ah, laakiin magaalo ayuu ka soo jeeday, maanta waxaan goosannay inaan bedelno magaca Flylousville’s,  waxaan ka dhigtay Louisville Muhammad Ali International Airport, waa qeyb ka mid ah dadaal ballaaran oo aan ugu dabbaaldageynno, xiriirkan mugga weyn.”

Xaaskii Muhammad Ali ee Lonnie Ali, ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in magaca airportka Louisville loo bixiyo magaca saygeedii ka geeriyooyada waxeyna tiri: “Aad ayaan ugu farax sanahay,  maadada dadka ku safraya airport-ka ay soo xasuusanayaan magaca Muhammed Ali.”, waa sida ay sheegtay shabakadda CNN ee dalka Mareykanka ka soo baxda.

Si kastaba, go’aanka magac bedelidda ayaa la gaaray Arbacadii, January 16, 2019, iyadoo aan ognahay in Muhammad Ali uu geeriyooday 2016.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close