WararkaWaxbarashada

Ayeeyo 72 Jir Ah oo Guursatay Kuray Yar oo 19 Jir Ah.. Waxey Sheegtay Iney Ku Jirto Maalmihii Ugu Farxadda Badnaa Nolosheeda (Muuqaal)

Ayeeyo hadda jirta 72-sano ayaa waxey sheegtay iney ku jirto maalmihii ugu farxadda badnaa nolosheeda, waxey guursatay kuray yar oo ka yar 53-sano, sidaas oo kale waxa uu 3 sano ka yar yahay wiilka ay ayeeyada u tahay ee guriga kula nool.

Almeda iyo Gary Hardwick, waxey is guursadeen 2016, markii ay labo isbuuc un is yaqaaneen, waxey isku barteen janaasada wiil ay dhashay oo 45 jir ku geeriyooday.

Ayeeyadan ayaa barnaamij dood wadaag oo wata magaca Sheekada gabadhaha (Girl’s Talk) ka furtay dhanka barta YouTube , Almeda ayaa sheegtay in guurkeedii koowaad uu qaatay 43 sano, laakiin aaney ka helin romantig iyo farxaddii ay u baahneyd, waxeysa tilmaantay iney arrimahaas ka heshay guurkeeda labaad ee Hardwick oo hadda 19-jir ah.

Almeda waxey ku dhawaaqday in hadafka barnaamijkeeda ay ka leedahay uu yahay iney talooyin wax ku ool ah siiso dumarka si nolol guur oo farxad badan ay ugu noolaadaan, lamaanaheeda labaad waxey ku tilmaantay inuu yahay rafiiqa nolosheeda, waa sida ay qortay jariidada New York Post.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaan ogahay inaad su’aalo badan is weydiineysaan oo ku saabsan xiriirka guurka, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si isbuucle ah uga jawaabo su’aalaha faraha badan oo aad is weydiineysaan.”

Sirta farxadda guurka ay dareemayso markii wax laga weydiiyay, Almeda waxey ku jawaabtay: “Waxaa jira faahfaahinno hoose oo guurka ka dhiga mid aad u farxad badan, tusaale ahaan; mararka qaar isagaa is xilqaama oo cashada diyaariya, ama saxamada dhaqa, inta badanna waan isku mahadcelinnaa.”

Gabar ka mid ah dadka la socda ayaa weydiisay sida jacaylka looga dhigi karo mid waara, ayeeyadan uu jacaylku hayo ayaa ku jawaabtay: “Waxaa waajib ah in lamaanuhu ay wada fariistaan oo mushkiladahooda ay si toos oo ah oo saraaxad leh ay uga wada doodaan, ma habboona in mushkilad xalkeeda dib loo dhigo si kasta oo ay u yar tahay.”

Dhanka kale, Gray ayaa yiri: “Almeda waa xaaskii aan muddo ku taamayay ee aan ku riyoonayay, waxaan nahay labo is jecel oo aad u wanaagsan.”, isagoo tilmaamay in guurka ay ugu duceeyeen hooyadii oo (48 jir) ah iyo ayeeydii oo (71 jir ah)

Goobjoog Edu

Related Articles

Close