arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qoob-ka-Ciyaarka Ay Shinnidu Nafteeda Ku Difaacdo.. Nidaam Cajiib ah oo La Yaab Badan (Muuqaal)

Muuqaal video ah oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya unug shinni ah qeybta malabka oo sameynaysa bandhig cudud muujin ah oo cajiib ah, si naftooda ay uga difaacaan weerar kasta oo suuraggal ah oo ay waajihi karto.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, shinnidan oo muuqaalka looga duubay gudaha Fitnam, ayaa waqti gaar ah wada dhaqaaqaysa, si isla jaanqaad ah sidii iney weerar dibadda ah iska difaacayaan oo kale.

Shinnidan oo loo yaqaanno “Abiis Dorsaata” oo ah nooc aad looga yaqaanno Asia, oo sameynaysa taktikadan si ay u ilaashadaan maadada malabka oo ay xilliyada qaar soo weeraraan cayayaannada kale sida ee xoonku.

Shinnida ayaa xeeladdan difaaca ah u sameysa iyadoo caloosheeda soo riixaysa xagal dhan 90 darajo, marka hore waxey kuugu muuqanayaan sida mowjadda Maksiko oo luqadda Spanish-ka looga yaqaanno Ola, waa dhaqaaq wadareed la isla jaanqaadayo oo dad badani ay sameynayaan mar qura iyagoo hab goonni ah ku heshiinaya, si ay kooxooda u dhiirrigeliyaan, inta badan waxaa laga sameeyaa garoomada kubadda cagta lagu ciyaaro iyo isku soo baxyada waaweyn.

Shinnidu marka ay dhaqaaqan sameynayso waxey ku gaareysaa labo hadaf oo kala ah iney nafteeda uga ilaaliso weerarada xoonka  iyo iney cayayaanka kale u diiddo iney soo gaaraan malabka ay soo saarto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close