WararkaWaxbarashada

7 Sababood oo Ay Dumarku Ku Xushaan Ragga Dhaadheer (Muuqaal)

Waxaa jira astaamo badan oo ay dumarku ka eegaan xulashada  lamaanahooda nolosha, astaamahaa waxaa ka mid ah dhirirka, waxaase dhici karta inaaney dumarkaasi ku baraarugsaneyn faa’iidooyinka niyad dhiska leh ee ay ka heli karaan marka ay guursadaan ragga dhaadheer, sida uu qoray website-ka “cosmopolitan“, waxaa jira astaamo badan oo ay dumarku ku xushaan ragga dhaadheer.

1- Ninka dheer waxa uu ku caan yahay romantig oo lagu yaqaannaa, waxaa ku badan iney lamaantooda laabta geliyaan, ama ay wejiga ka dhunkadaan, amaba ay xambaaraan marka xaalad romantig ah ay ku wada jiraan.

2-Geedka dheer ayey ubaxa kaaga soo goyn karaan, arrintaas oo ka dhigaysaa inaad la qaadan karto jawi romantig ah oo aad u cajiib badan oo la mid ah kan aflaamta, sidaas oo kale, waxa uu kugu taageeri karaa inuu kuu soo qabto waxyaabaha kaa fog ama meel dheer kaa saaran.

3- Agtiisa ammaan ayaad ku dareemaysaa sidii inuu boodhigaarkaaga gaarka ah uu kuu yahay oo kale, waana sida ay dadka kale dareemayaan marka ay isha qac idinku siiyaan idinkoo wada socda.

4-Waxaad xiran kartaa kabo dhaadheer adigoon wax dhibaato ah ku hayn.

5-Markaad hurdada ag jiifto sidii aad doonto ayaad  sariirta iskugu fidin kartaa maadama sariirta loosoo iibiyo inta badan ay fidsan tahay, sariiraha caadiga ahna ay ka duwan tahay.

6- Marka uu xafladaha ku hareer taagan yahay waxaad dareemaysaa kalsooni iyo inaan cidina kaa qarin karin, maadama uu dadka kale ka dheer yahay.

7- Dad badan kaagama dhex lumayo, marwalba isha ayaad ku hayn kartaa dhaqdhaqaaqiisana aad ula socon kartaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close