arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Awoodda Iney Akhriso Fikirka Ragga iyo Wax Kasta oo Ka Dhex Guuxaya! (Muuqaal)

Maxaa dhici doona marka ay dumarku akhrin karaan fikirka ragga iyo waxwalba oo ay doonayaan iney sameeyaan si ay uga sare maraan.

Waa Su’aasha uu is weydiinayo milim komedy ah oo cusub oo la yiraahdo “What Men Want”, filmikan ayaa la soo bandhigi doonaa bisha February ee soo aaddan, filimkan dhacdadiisu waxey ku dul wareegaysaa haweenay dooneysa iney fursad dhab ah ka hesho sports-ka oo raggu ay aad ugu badan yihiin, haweenaydan ayaa shil galeysa kadibna waxey is arkaysaa iyadoo akhrin karta fikirka ragga iyo wax maskaxdooda ka dhex guuxaya, arrintaas oo keenaysa iney ka sare marto.

Filimkan ayaa waxaa wada actorradda reer Mareykanka ee hadda u sharaxan abaalmarinta Oscarka ee la yiraahdo Taraji P. Henson (Taraagi Biindaa Hensoon) oo ah gabadhiii wadday musalsalka caanka noqday ee Empire.

Firkadda filimkan ayaa waxey shabbahdaa mid filimka “What Women Want” horey looga jilay, waxaana uu soo baxay 19 sano ka hor, waxaana waday oo jilay actor-ka reer Australia ee ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee Milo Gibson.

Filmika cusub ee What Men Want waxaa la soo saari doonaa shaneemooyinka caalamka Febraury 8, 2019.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close