arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Dhiigga Dhalinyarada Ka Iibisa Waayeelka Maalqabeenka Ah! (Muuqaal)

Shirkad Mareykan ah oo gabowga la dagaallanta ayaa waxey uruurisaa dhiigga dhalinyarada waxeyna ka iibisaa dadka waayleelka ah ee lacagta haysta.

Shirkad Mareykan ah oo la yiraahdo Ambrosia Medical oo ay aasaastay  Jesse Karmazin oo ka soo baxday kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Stanford ayaa waxey ka aasaastay 5 magaalo oo gudaha Mareykanka ku taalla xarumo dhiigga lagu bixiyo, lagu uruuriyo dadka waayeelka ahna looga iibiyo.

Halkii litir ee dhiig ah waxey ku iibisaa 8-kun oo dollar, halka 12-kun oo dolar laga siinayo qofka iibsada labadii litir oo dhiigga ah.

Da’dkaa dhiiggooda ku tabarucaya ayaa waxey da’doodu u dhaxeysaa 16-sano illaa 30. illaa iyo hadda shirkaddan waxey dhiig ka iibisay 150 bukaan oo da’doodu u dhaxeyso 35 ilaa 92 sano, si loo siiyo dhiigga dhalinyaradan curdinka ah laga soo qaaday.

fikaraddan ayaa ka dhalatay daaweyn tijaabo ah oo loo yaqaanno parabiosis, oo horey loogu sameeyay jiir laga dareemayay hoos u dhac weyn oo ku aaddan borootiinka la xiriira cudurka khatarta ah ee kansarka, waa markii.

Shirkaddan ayaa ku dhawaaqday iney waddo tijaabo ay ka qeybgaleen 200 oo qof, laakiin natiijada tijaabadeeda weli ma aaney faafin oo cidina ma oga.

Shirkaddan ayaa sheegaysa in faa’iidooyin farabadan oo caafimaad uu leeyahay in dhiig cusub la siiyo bukaanka, waxey ka helaan, ayey yiraahdeen xasuusta oo u hagaagta, hurdo fiican oo ay helaan, baraaruggooda oo kordha iyo muuqaalkooda oo wanaagsanaada.

Irina M. Conboy oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacadda California ayaa ka digtay suurtaggalnimada in daaweynta noocan ah ay dhibaato u keeni karto dadka dhiigga la siinayo.

Noocan daaweynta ah bulshada cilmiga aad ayaa looga yaqaannaa, laakiin si joogta ah bukaan dhiigg looguma shubo, maadama 50% dadka bukaanka ah ay Side effects ku yeelato noloshooda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close