CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Sababta uu Kansarku Ugu Dhici Waayay Maroodiga… Cilmiga oo Hal-xiraalahaa Furay(Muuqaal)

Culumada sayniska sannooyinkii dambe waxey ku mashquul sanaayeen daahroggga sababata aanuu kansar ugu dhicin xaywaannada qaarkood, sida; maroodiga iyo nibiriga.

Iyadoo ay jirto aragtiyo badan oo sheegaya in xajmiga jirka xayawaanaadka waaweyn uu ka horistaagayo inuu kansar ku dhaco, ayaa hadana caalim Mareykan ah uu daahrogay inuu jiro genetic goonni ah oo maroodigu leeyahay oo ka ilaaliyo inuu ku dhaco cudurkan khatarta badan ee kansarka.

Sanadkii 2012, ayaa caalim la yiraahdo Vincent Lynch uu baaray genetics-ka maroodiga Afrika, si uu u ogaado haddii uu leeyahay genes dheeri ah oo la dagaallama cudurka kansarka iyo in kale.

Saynisyahannadu waxey aaminsanaayeen in xawaanaadka xajmiga weyn ay leeyihiin unugyo ka badan xaywaanka kale, sidaa darteedna uu kansarku u baahan yahay waqti ka badan oo uu ku dili karto xayawaanka aadka u weyn.

Xilligaa laga soo bilaabo saynisyahannadu waxey soo gudbiyeen tobanaan aragtiyo oo kala duwan oo ku aaddan sababta uu u soo weerari waayay kansarku maroodiga, jawaabka ugu shaacsaneyd ee ugu waafisaneyd waxey ahayd, in xawaannada waaweyn ay leeyihiin difaac ka hortaga kansarka, illaa ugu dambeyn ay culumada u suurtagashay iney hal-xiraalahaa xalkiisa helaan, arrintu ma khusayso xajmiga xayawaanka shaqana kuma laha.

Genes-kan nolosha badbaadada u ah oo loo yaqaanno LIF6, ayaa waxa uu abbaaray unugyada kansarka marka ay bilowga yihiin wuuna burburinayaa.

Tijaabooyinkii la sameeyay ayaa saynisyahannadu ku ogaadeen in marka unugyada maroodiga ay la kulmaan dhibaatooyin kansar keeni kara, waxaa isla markiiba howlgala nidaamka difaaca ee nolosha badbaada u ah ee loo yaqaanno LIF6, markaa cudurkii si tartiibtartiib ah ayuu jirka uga sii yaraannayaa.

Kansarka ayaa jirka ku dhaca marka uu isbedel ku yimaaddo DNA-da genetics-ka, arrintaas oo u ogalaaneysa korintaanka unugyada oo si khaldan oo khatar ku ah jirka u kora isla markaana keena in laaaddu ay faraha ka baxdo.

Maroodu waxa uu leeyahay genes burburiya unugyada kansarka, waxaana genes-kan leh sidoo kale fiidmeerta ama kibilliga kolba sida ay dadku u yaqaannaan.

Saynis yahaannadu tijaabooyinkoodan waxey uga golleeyihiin in la sameeyo daawooyin leh saameynta genes-ka ka hortagga u ah kansarka ee maroodigu leeyahay, waxaana horumarin lagu sameynayaa daawooyin cusub oo ay ka faa’iidaysan karaan bukaanka kansarka mustaqbalka dhow.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close