arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bisad Ka Aargoosatay Dawaco Raashin Ka Xadday! (Muuqaal)

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sawiray dagaal aan la isku dhigmin oo dhex maray bisada buuran iyo dawaco dhanka xuduudda Ruushka iyo Poland, goor habeen ah oo uu dhacayay qabaw aad u daran.

Jariidada Komsoo-moliskaaya-baraafida ee Ruushka ka soo baxda ayaa sheegtay in dhacdada ay ka dhacday barta gawaadhida lagu baaro ee xuduudda ku taalla, bisadda iyo dawacadu waxey isku galeen ayaa ah, raashin uu u soo tuuray qof dalxiise ah oo goobta baaritaanka joogay oo doonayay inuu xuduudda gooyo.

Iliina Marakoofa oo ka mid ah dadkii dagaalka goobjooogga ka ahaa ayaa tiri: “Waxaan taagneyna qeybta xuduudda ee dhinaca Ruushka, waxaan arkaynnay in dalxiisayaal ay raashin u tuurayeen bisadaha, dawaco ayaa u soo dhawaatay si ay raashinka ula qeybsato, goobta waxaa joogay 4 bisadood oo si xasillooni ah arrinta ula macaamilay wax ka diiidis ahna aan u muujin dawacada, maadama ay u muuqatay iney dawacada la qabsadeen oo ay marar badan horey isku arkeen.”

Dawacada ayaa waxey uruursaneysay raashinka ay bisadu ka tageen, laakiin bisad ayaa u dulqaadan weyday waxey indheheedu qabanayaan iyo dawacadan ka dhex qaraabaneysa, wey ku boodday oo xoogaa xagtiimaha ah inta ay tamarteedu gaarsiisneyd ku boobsiisay dawacada.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close