UncategorizedWararkaWaxbarashada

Gabadha Ugu Quruxda Badan Adduunka oo Guux Ka Dhalisay Internetka Kadib Markii Ay Ka Qeybgashay 10 Year Challenge

Thylane Blondeau oo ku guuleysatay gabadha ugu quruxda badan adduunka ayaa ka qeybgashay Challenge isbedelka cimirga ee 10-ka sano, si ay u muujiso sida da’deedu ay isku bedeshay 10 sano ee la soo dhaafay.

Gabadhan dharka xayaysiisa ee reer France ee 17 jirka ah, kuna guuleysatay labo jeer gabadha ugu quruxda badan adduunka, ayaa sawirkeeda faafisay inta u dhaxeysay 2009 iyo 2019, sida shuruucdda jalanjigani uu yahay, kaas oo dhowr maalmood ka hor looga daadsanaa dhanka baraha bulshada.

Iyadoo ay sidaasi jirto, ayaa Theylaan Footat ay qeyb muhiim ah ka noqontay jalanjigan, waxey faafisay sawirrada xilligii ay lix jirka ahayd 2007, iyadoo laga rabay iney faafiso sawir ay gashay 2009 iyo mid hadda xilligan la joogo ah, cidina kuma aaney baraarugin arrintaa, laakiin sawirkeeda ayaa dadku si wanaagsan uga falceliyeen quruxdeedan ay aad ula cajabeen, waxaana ay dadku u wadaagayeen si aad u ballaaran.

Thayland waxey hashtagga #10yearchallenge ku soo ag qortay: “Mahadsanidiin 2.9 milanka qof ee bartayda saaxiibka igula ah”, dadka oo dhan waxey ku dhiirrigelisay iney bayjkeeda ku soo biiraan.

Theyland waxey waayaheeda dharka iyo modelka bilowday iyadoo 4 jir ah, waxaana lagu naaneysay gaadha yar ee ugu quruxda badan adduunka, waa markii ay lix jirka ahayd.

December-tii dhawayd ayay mar kale ku guuleystay oo ay noqotay gabadha ugu quruxda badan aduunka, waxeyna markan ku wada guuleysteen aktarka reer Mareykan ee Jason Momoa(jeesin mawa) oo dhankiisa helay wejiga ugu quruxda badan aduunka.

Theylaan ayaa waxaa dhalay xidigga kubadda cagta horey u ciyaari jiray oo u dhashay dalka Farance lana yiraahdo Patrick Blondeau iyo gabadh dharka xayaysiisa oo la yiraahdo Feroniika looyeer, gabadhan ayaase hadda noqotay safiirka dunida ee caalamadda gacansiga L’Oreal.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close