UncategorizedWararkaWaxbarashada

Kanada iyo Norway oo Ku Dagaallamaya Taallada Ugu Weyn Dunida ee Laga Sameeyo Xawayaanka Moose-ga

Magaalada Moose Jaw ee dalka Kanada ayaa ku caan baxday saddoonkii sanno ee ugu dambeysay inuu ku yaallo taallada ugu weyn ee   xawaanka Eyl (Moose) ee dunida laga taago.

Taalladan ayaa loo yaqaanna magaca “Mac”, dhirirkiisu waxa uu gaarayaa 10-mitir, taalladani duruuf kasta oo cimillo ah iyo mid lagu dhallanragayaba wey u adkaysatay,  waa sida ay sheegtay jariidada the Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Laakiin caannimada taalladan wey wiiqantay, kadib markii Norway ay dhistay taallo loo bixiyay magaca “”Big Moose””  ama Eyl-kii Weynaa oo Cm ka dheer taallada Mac ee Canada, waana taallo laga sameeyay bir ajaay ah oo aad u adag marnaba aan mirirayn, kaas oo Maci la tartamaya, iyadoo danta laga leeyahayna ay tahay in lagu jabiyo record Guiness ee taallada dalka Kanada ka dhisan ee Maki.

Hadab, labadan taallo ayaa arrinkoodu uu qabsaday dhinac qowmiyadeed, gaar ahaan markii labada shacab ee Kanada iyo Norway ay dalbadeen in taalladooda dhirirkeeda loo kordhiyo si ay u noqdaan dalka haysta record buugga dhacdooyinka adduunka ee taallada Eylka ugu dheer Dunida.

Laba jilaa oo komediga ku caan ah ayaa dhacdadan waxey ku tilmaameen iney tahay xumeyn ula jeeddo laga leeyahay, dadka magaalada Moosegaw waxey ka dalbadeen in dib loosoo celiyo sharaftii magaalada ee la lunsaday.

Labadaa komediyaan waxaa usoo jawaabay duqa magaalada Moose Jaw  oo yiri: “Waxaa laga yaabaa inaad arrintaa ku kaftameysaan, laakiin arrintani si shaqsiyan ah ayey ii taabaneysaa, taallada Eyl ee Meki waxey ahayd tan ugu dheer caalamka, shacabka Norway ayaa naga boobay, gacmaha isma dulsaaran doono.”

Shaqaalaha Moosegaw ayaa waxey sheegeen in xajmiga taallada la labo laabi karo, waa marka arrintaa la meel mariyo oo la ogolaado, iyadoo dhirirka taallada la gaarsiin doono 20-mitir.

 

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close