UncategorizedWararkaWaxbarashada

Ma Jecli Lamaanaheyga Saaxiibbadii.. Maxaan Sameeyaa? (Muuqaal)

Xilliyada qaar waxaan la kulannaa dadka si kasta oo aan u raalligelinno aaney suurtaggal ahayn iney qancaan, waxaa dhici karta inaan si maalinle ah ula kulanno, arrintaas oo inoo keenaysa in marka oo ay nala joogaan aaney naftu ku xasileyn welwelna aan dareeenno, kaba sii daran marka lamaanahaagu uu dadkaa saaxiib la yahay oo uu doonayo inuu xilli kasta guriga keeno oo uu waqti la qaato.

Si hadaba aad dadkaa ula dhaqanto sida saxda ah, Richard Temple  oo ah qoraaga buugga xeerarka jacaylka ayaa inoo sharraxaya sida ugu habboon ee aad ula dhaqmi karto marka saaxiibada lamaanahaaga aaney naftaadu ku xasileyn oo aad is neceb tihiin ama aad ka baqeyso iney saameyn taban kugu yeeshaan.

Temple, waxa uu leeyahay, waxaa aad u wanaagsan marka ay noo suurtagasho inaan jeclaanno lamaanaheenna saaxiibadood, waxaana dhici karta intooda badan inaad la yeelato xiriir wanaagsan, waxaa jirta inaan labo ama ka badan naftu diiddo oo iney noosoo dhawaadaan aanan jeclayn, waxaa dhici karta iney doqomo yihiin, ugu yaraan sida aad u aragto.

Hadaba, Jawaabtu waxey tahay ma jiraan waxyaabo badan oo aad sameyn karto, waxba kuma jabna inaad lamaanahaaga u sheegto inaadan dooneyn waqti inaad la qaadato saaxiibadii qaarkood.

Lamaanahaaga u sheeg sababta aadan qofkaa u rabin ee aan u kahaneyso, saaxiibadaa wax dhaleecayn ah dusha ha uga tuurin, maxaa yeelay; waxaa xaqiiqo ah in lamaanahaagu uu markaa difaaci doono, si xasillooni iyo daganaan ku jirto ula hadal, laakiin cudur-daar u yeela sababta uu lamaanahaagu dadkaa aadan rabin uu saaxiibka ula yahay oo ha isku dayin inaad naftiisa xakameyso.

Inaad eedayn dusha uga tuurto lamaanahaaga ama aad ka filato inuu saaxiibadii bedelo si uu adiga kuula jaanqaado marna arrintaa ha ku dhaqaaqin , ogow waxa uu xaq u leeyahay qofka uu rabo inuu la saaxiibo sidaad adiguba xaq ugu leedahay. mana habboona inaad u yeeriso cidda uu la saaxiibayo, waxaa la rabaa inaad sii filato waxa uu dareenkaagu noqon karo marka uu arrintan kugu sameeyo lamaanahaagu.

 

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close