arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maqaaxida Ugu Yar Adduunka… Xaggey Ku Taallaa? Qaadkeedu Intuu Le’eg Yahay?(Muuqaal)

Waxa ay ku taalla inta u dhaxysa Skincare Love Beauty Spa iyo Iskuulka Advani oo lagu barto la dagaallanka cayayaanka lagu oo ku yaalla Elmhurst gudaha Queens ee dalka Mareykanka waxaa ku yaalla Indo Java oo ah tukaan yar oo ay yaallan waxwalba oo cunatada dhaqanka Indonesia ah.

Laakiin, maalin kasta oo Talaado ah, waxa uu isku bedelaa maqaaxida ugu yar ee magaalada, oo lagu sameeyo cunnooyinka dhaqanka ee Indonesia.

Ku soo dhawaada Indo Java. aad ayaad u nasiib badan tahay waxaad haystaa miiska raashin lagu cuno ee ugu wanaagsan. soo fariiso, waa miiska kaliya ee maqaaxidu ay leedahay.

Magacaygu waa Dewi Tjahjadi, waxaan ahay milkiilaha Indo Java, Indo Java waxaan furnay 10 sano ka hor, maalinta Talaadada ah waxaan halka ku kariyaa cunada oo dadka macaamiisha ah aan ka iibiyo. waxaan niraahnaa Warung Selasa oo la macno ah Cuntada Talaadada.

Supper Markitkan ee isku bedelaya maqaaxida halka miis leh waxa uu ku dhammeystirmaa mid ka mid ah kushiinka ugu yar adduunka.

Kushiinkeenna aad ayuu u yar yahay, waana mid jacayl lagu diyaariyo cunnooyinka. labo qof oo kaliya ayaa wax loogu diyaariyaa, labo qofna xitaa aad ma qaado, waxa uu le’eg yahay kala bar khaanadda dharka lagu feeraysto.

Si kasta oo uu u yar yahay Diiwi  dhibaato kuma qabto oo raashin kalasik ah oo Indonesian ah  ayey ku diyaarisaa, sida; Goodig iyo Ronadig-Ayaam.

Aniga ka hor wax Tukaan Indonesian ah meeshan kama furneyn. waxaa aad u adag inaad hesho cuntada Indonesia, bulshadana aad ayaan ugu xiisnaa, haddii aan tukaan haysanno, waxaa hubaal ah in shacabka Indonesia ay halkan imaanayaan, markaa waxaa noo suurtaggal ah inaan ku hadalno luqadda Indonesia, taasi waxey ahayd riyadayada oo hadda noo rumowday.

Anigu ma ahi Kuug xirfadle ah, cunta karinta waxbarasho uma aanan gelin, waxaan ka bartay hooyaday, maqaaxideenna marwalba kuuggu waxa uu ku jiraa kushiinka, waxaan jacelahay macaamiisha inaan la sheekaysto marka aan raashinka siinayo, si aan sheekooyin badan u wadaagno, dadku waxey noo sheegaan in Isbuuca dambe ay noosoo laabanayaan.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close