WararkaWaxbarashada

26-Maalqabeen oo Haysta Hanti u Dhiganta Tan Ay Haystaan 3.8-Bilyan oo Qof oo Dunida Ku Nool (Muuqaal)

Daraasad uu dhawaan faafiyay ururka Oxfam ee samafalka dowliga ah, ayaa waxaa lagu sheegay in hantida dadka taajiriinta ay labo laabantay.

Daraasaddan ayaa tilmaantay in hantida 2208 qof oo dadka dunida ugu taajirsan ah ay si maalinle ah ku koreysay sanadkii hore ee 2018, saami gaarsiisan 2.5 bilyan oo dolar.

Sanad gudihii, kooxdaa maalqabeenka ah hantidoodu waxey kortay in ku dhaw 900 oo bilayn oo dolar, halka ay gaareen tirada dadka deegaannada faqriga ku nool 3.8-bilayn oo dolar.

Sida ururkani uu sheegay, hantida 26 qof ee dunida ugu taajirsan waxey u dhigmaan hantida ay haystaan 3.8 bilyan oo qof oo nolol faqri ah ku nool.

Daraasaddan ayaa tilmaantay in ninka dunida ugu taajirsan ee shaqsiga iska leh shirkadda Amazon ee Jeff Bezos ay hantidiisu korortay 112-bilyan oo dolar.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close