WararkaWaxbarashada

Askari Boolis ah oo Loo Haysto Dil uu Xaaskiisa U Geystay 20-sano Ka Hor (Muuqaal)

Nin iyo haweenay is-jeclaa ayaa looga yeeray maxkamadda magaalada Fisbadhan ee gobolka Hessen ee dalka Jarmalka, iyadoo lagu tuhun san yahay  iney wada dileen xaaskiisii hore 20-sano ka hor.

Jariidada Belid ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in Askiraga Maykal oo hadda (53 jir ah) iyo saaxiibtii Kiristal ay si wada jir ah u dileen xaaskiisii hore ee sanadkii 1998.

Haweenaydan la dilay ayaa markii ay ogaatay in ninkeedu uu khiyaamayo u degdegtay iney warqadeeda furriinka ka qaadato, laakiin Maykal waxa uu is tusay inaanuu xamili karin kharashaadka furriinka oo saameyn dhaqaale ku yeelan karay, arrintaas oo keentay markii dambe inuu go’aansado gebi ahaanba inuu ka takhaluuso xaaskiisa,  iyadoo gabadha ay is caashaqsan yihiin ay garab joogto.

Ninkan eedeysanaha ah iyo haweynayda ay is jeclyihiin ayaa suuxiyay haweenayda la dilay,  iyadoo qaawan ayeyna dhigeen barkadda yar ee lagu qubaysto oo biyo ay ka buuxaan, halkaas oo ay ku maashootay oo ay nafteeda ku weyday.

Xilligaa laga soo bilaabo, ninkan shaki badan ayaa laga qabay, laakiin waxa uu haystay oo ay sameystay marmarsiiyo ah inuu habeenkaa gabadha ay is jecel yihiin ay hotel wada jiifeen.

Dunida aan joogno cadaaladda sida lagu soo saaro waxey qaadataa mararka qaar waqti badan, laakiin waxaa aad loogu dadaalaa in muwaadin kasta haddii nool yahay ama uu dhintay in uu cadaalad helo, dhawaan ayaa kiiska dib loo furay, waxaana baarintaan lagu sameeyay DNA oo naatiijadii ka soo baxday ay noqotay in raadka laga helay in gabadha askarigaa is jeclaayeena ay guriga wada joogeen iyo goobta uu fal dambiyeedku ka dhacay , arrintaas oo ka dhigan in marmarsiiyaha maqnaanshiyahoodu uu been ahaa.

Labadan eedaysane ayaa si ku meel gaar ah xabsi ugu xiran, laakiin dilka bareerka ah waxaa loo baahan yahay in loo helo caddeyn biyo kama dhibcaan ah, si labadan qof ee is caashaqsan xabsi loogu xukumo, haddiise la waayo caddeymo ku filan, waxey arrintu ku koobnaaneysaa un dil aan loogu talogalin oo aan loo qasdin, markaa labadan qof maxkamadoodu ma sii soconeyso maadama ay hadda da’doodu weyn tahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close