WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Daahrogtay Sirta uu Jacaylku Muddo Dheer Ku Raaggo (Muuqaal)

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Kansas ee dalka Mareykanka ayaa daahrogay in lamaanaha sida joogtada ah u qoslka iyo farxadda badan ay yihiin kuwa ay u badan tahay in jacaylkoodu uu waaro uuna guuleysto.

Saynisyahannada ayaa waxey sheegeen in qosolka oo la is dhaafsado iyo kaftanka xaraabaadka leh uu muhiim u yahay xiriirka, laakiin waxey ka digeen kaftanka sharta leh ee xantaf leh dhaawacna gaarsiin kara lamaanahaaga, kaftanka noocaas oo kale ah waxa uu keenayaa in xiriirka ay dhibaato ku timaaddo.

Professor Jeffrey Hall oo ka tirsan qeybta daraasaadka xiriirka lamaanaha ee jaamacadda, daraasaddanna hogaaminayay ayaa waxa uu yiri: “In xiriirku noqdo mid lagu raaxeysto oo kalgacayl badan, waxaa ka dhasha in muddo dheer uu sii socda. qosolka iyo farxadda la wadaago waxaa lagu tiriyaa iney yihiin tilmaan muhiim ah oo ramantig badan u soo jiida lamaanaha”

Khubaradan ayaa waxey dhiraandhirin ku sameeyeen 39 daraasadood oo horey loo sameeyay oo ay ka qeybgaleen 150-kun oo qof, si ay u xadidaan muhiimadda qosolku iyo kaftanku u leeyahay xiriirka romantiga ah.

Natiijada daraasaddan oo si dhammeystiran loogu faafiyay joornaalka “Personal Relationships”, ayaa lagu sheegay in lamaanaha sida joogtada u kaftama uu xiriirkoodu sii socdo muddo dheer.

Laakiin Professor Hall waxa uu ka digayaa kaftanka sharta badan, sida; in muuqaalka lamaanahaaga aad ku jees jeesto ama soddohdaa ku kaftanto, maxaa yeelay; kaftanka noocaas ah marnaba ma damaanad qaadayo in xiriirka uu muddo dheer sii jiro.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close