arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hooyo Mareykan ah oo Lagu Maxkamadeynayo Dayacaad Ay U Gaysatay Naas Nuug Yar oo Ay Dhashay oo Ka Duushay Gaari Ay Wadatay! (Muuqaal)

Maymuuna Konaw Xasan oo ka soo jeedda gobolka Minnesota ee dalka Mareyknaka ayaa lagu maxkamadeeyay muuqaal laga sawiray gaari ay is garab socdeen xilli ay wadday gabadheeda yar oo gaariga albaabkiisa dambe ka duushay.

Muuqaalka laga duubay ayaa waxa uu muujinayaa ilbiriqsiyada ay gabadhan yari ka duuleyso gaariga haweenaydan reer Mareykan xilli meel leexad ah ay gaariga la mareysay.

Maymuuna waxey ku eedaysan tahay iney ilmaha yar khatar u horseedday, arrintaas oo ah dembi weyn iyo qaanuunka oo la jabiyay, maadama aaney ilmaha yar u xirin suunka gaariga, waa sida ay sheegtay jariidada The Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Sida la gaarsiiyay booliska, canugtan yar waxey ka dhacday Albaabka dambe ee dhinaca bidix ee gaariga, xilli ay dooneysay iney gaariga leexiso meel goolad ah gudaha magaalada Mankato ee gobolka Minnesota Isniintii, January 14, 2019.

Haweenaydan ayaa waxey ku eedyasan tahay in ilamaha yar ay khatar gelisay, waxaa dhici karta in sanad la xiro, lagana qaado ganaax lacageed oo gaaray ilaa 3-kun oo dolar.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close