WararkaWaxbarashada

4 Sababood oo Ay Dadka Waaweyn u Ku Riixda Iney Daawadaan Filim Kaartoonka (Muuqaal)

Filim kaartoonka si gaar ah waxaa loogu sameeyaa caruurta, waxa loo adeegsadaa qiso caruurta la doonayo in la xifdisiinayo ama fikrad la doonayo iney ka daadagto, laakiin waxaa la yaab badan in dadka waaweyn qaarkood ay aad u jecel yihiin aflaamta kaartoonka, sababo badan oo kala duwan darteed, waana sida uu qoray website-ka “uproxx

Sababaha dadka waaweyn ay u daawadaan Aflaam kaartoonka

-Waa nooc ka mid ah fanka

Dhalinyarada qaar waxaa aad u soo jiita fanka oo ka mid ah sawirada dhaqaaqa lagu sameynayo ee filmi kartoonka, waxeyna la mid yihiin buugaagta kaftanka, ruwaayadaha sawiran iyo video games-ka, sidaa darteed; waxey ku dadaalaan iney daawadaan.

-Waqti kooban

Filim kaartoonka mudadiisi wey gaaban tahay, kama badna 58-daqiiqo oo qura, iyadoo xayaysiin badan aaney shaashaduhu u sameyn, sidaas oo kale howl maalmeedkaaga inaad gudato kaama horistaagayaan.

-Xasuustii yaraanta

Dhalinayrada iyo dadka waaweyn qaarkood waxey u xiisaan iney daawadaan filim kaartoonkii ay yaraantoodii ku madadaali jireen, arrintaas oo keenaysa iney dareemaan xasillooni iyo degganaan.

-Madadaalo

Aadanuhu mararka qaar waxa uu u baahan yahay inuu ka fogaado nolosha culeyskeeda xoogaa xasillooniyana uu helo, waana arrimaha uu ka helayo inuu daawado filmi kaartoonka, arrintaas oo welwelka iyo walbahaarka ka khafiifineysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close