WararkaWaxbarashada

Khubaro Ka Digeysa Khatarta Ay Leedahay Joojinta “Qorista Gacanta”

Dunida maanta oo ay ku beegan tahay January 23, waxaa looga dabbaaldegayaa maalinta qorista gacanta,  dunida aan ku nool nahay waxaa gabaabsi ku sii noqonaya khad qoraalka gacanta oo looga guurayo computer-ka oo hadda noqday aalladda casriga ah ee qoraalka.

Mikhail Vinogradov oo ah dhakhtar cilmi-naftisa iyo cilmiga dambiyada ku takhasusay ayaa sheegay in qoraalka gacanta uu kuu sheegi karo waxwalba oo shaqsiyadda qofka khuseeya.

Dhakhatarka waxa uu hadalkiisa ku daray: “Xitaa haddii uu qofku isku dayo inuu fartiisa gacanta bedelo, aasaasiyaadka qoraalka gaanta, sidaada ayey ahaaneysaa oo isma bedelayso.”

Waxa uu tilmaamay in dadka takhasasuska u leh ay garan karaan qoraalka gacanta ee shaqsi goonni ah oo dabeecadihiisa iyo shaqsiyaddiisa laga dheehan karo.

Khabiirkan ayaa sheegay qofka marka uu qoraalka gacanta joojiyo in qeyb ka mid ah maskaxda ay howlgab noqoneyso, waxa uu yiri: “Caruurta uma wanaagsana iney qoraalka gacanta ka tagaan, haddii ay hadda la qabsan waayeen, hadhow caruurtooda kuma ababinayaan.”

Vinogradov, waxa uu farta ku fiiqay in horumarka teknoloojiyada casiriga ah ee kala duwan aanuu qofku u baahneyn inuu gacanta wax ku qoro, maadaama uu isticmaalayo Keyboard iyo mobile-kiisa inuu wax ku qorto isagoo codkiisa adeegsanaya. khabiirkan waxa uu intaa sii raaciyay : “Waxaa wax laga xumaado ah in arrintani ay inagu riixayso inaan qoraalka gebi ahaanba ka maaranno.”

Qaar Ka Mid Ah Faa’iidooyinka Qoraalka Gacanta Laga Helo

 

1- Fahamka waxbarashada ayaa inoogu kordha

2- Jirka iyo dareemayaasha ayaa ku xasila.

3- Duqowga maskaxda ayuu dib u dhigaa.

4- Hal abuurka ayaa ku furma.

5- Welwelka iyo walbahaarka ayaa ku yaraada.

6- Feejignaanta iyo baraarugga qofka ayaa lagu xoojiyaa.

7- Maskaxda ayaa lagu xoojiyaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close