WararkaWaxbarashada

5-ta Arrimood ee Furaha U Ah Guurka Khilaaf La’aan Ah ee Farxadda Badan(Muuqaal)

Xiriirka guur ee wanaagsan isla markaana farxad badan waxaa dhici karta in dadka qaar ay u arkaan iney ka badbadis tahay oo aan la gaari karin, maadama lamaane badani ay ku dhex jiraan khilaafaad joogto ah oo noqday shay aasaasi ah oo lamaanaha kasta gurigooda ku haysta, waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo labada is qabaa colna maaha heshiisna maaha.

Hadaba, si khilaafka looga fogaado guurkana looga dhigo mid farxadeed waxaa jira xeerar lagama maarmaan ah oo haddii la raaco ay suurtaggal tahay in la helo xiriir guur oo guuleystay, waxaa jira shan fure oo lagu furto albaabka guurka farxadda iyo kalgaceylka ku dhisan, waa sida uu qoray website-ka Psychology Today.

Xeerka koowaad: Ixtiraam iyo is-qadarin

Haddii xiriirka qoyska uu yeelan waayo ixtiraam iyo is qadarin xaaladdu wey adkaaneysaa, ma dhacayso inaad waxwalba isku waafaqdaan, wax unbaad isku diidaysaan, laakiin waxaa muhiim ah inaad isku daydaan inaad aragtida qofka walbaa uu wato la isku ixtiraamo.

Xeerka labaad: Doodda iyo muranka aan dagaalka lahayn

Ma jiro lamaane khilaaf la’aan ku nool, laakiin waxaa muhiim ah inaan khilaafku gaarin heer gacanta la isku qaado, la isku qeyliyo, dhaqamadaasi waxba kuma hagaagaan ee xaaladda unbaa ku cakiranta.

Xeerka Saddexaad: In lagu heshiiyo habka ilmaha loo barbaarinayo

Waxaa dhici karta inaan kala ababis duwan tihiin oo deegaanno kala duwan aad ku soo barbaarteen, qof kastaana uu aaminsan yahay in wadadiisa ay saxan tahay, marka hore isku daya inaad fahamtaan dabeecadda caruurtiinna si aad uga fakartaan wadada ku habboon.

Xeerka Afaraad: Kaftanka iyo Qosolka

Kaftanka waxa uu xoojiyaa xiriirka lamaanaha, waxaanuu sameeyaa xasuus wanaagsan oo aad u qurux badan.

Xeerka 5aad: is-Daneyn

In la is daneeyo waxey ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee guurka looga baahan yahay, si uu u sii jiro oo uu u guuleysto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close