arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aabbaha Ugu Caansan Baraha Bulshada.. Saaxiibbadii Ayuu Ka Codsaday Iney Taageeraan Gabadhiisa Yar.. Kumanaan Qof Ayaase Garab Istaagay(Muuqaal)

Aabbe waa shaqsiga ay curuurtiisu ka dalbadaan labo xiddig ee ula soo noqda isagoo gacmihiisa ku wata samada, xiriirka jacaylka ee dhexdooda yaalla waa kan kaliya ee cidina aaney ka qoomameyn, labadaada waalid waa labada qof ee caruurtooda la raba iney gaaraan guulo iyagoon wax abaal ah aan sugeyn, garab taagan ilaa ay ka gaaraan meesha ugu sarreysa, waana sida uu sameeyay Justin Brower oo hadda noqday aabbaha ugu caansan baraha-bulshada.

Justin Brower ma aanuu qiyaasayn iney meel fog gaari doonto farriintiisa uu kaga dalbaday dadka bartiisa bulshada saaxiibka kula ah oo aan ka badneyn 2000 oo qof si ay gabadhiisa yar u taageeraan, dhaawaca qoorteeda dhankeeda dambe ka soo gaaray oo guriga ku qabsaday, si ay noloshooda mar kale dib ugu soo ceshato bulshadana ay u soo dhex galsho. ma aanuu fileyn iney heli doonto boqolaal kun oo taageero ah, kumaan kale oo farriintiisa sii faafiyay, iyo weliba farriimaha dhiirrigelinta leh ee gabadhaa yar lagu soo harqiyay.

Dhacdadan ayaa waxey ku bilaabatay in Brower uu bartiisa bulshada ku faafiyay sawirka gabadhiisa yar dhaawaca soo gaaray, waxaanuu ku hoos qoray: “Gabadheyda 12 jirka ah waxey aaminsan tahay iney fool xumaatay dhaawac soo gaaray dartii, baqdin badan ayey bulshada ka qabtaa, ma u sheegi kartaan in aabaheed oo kaliya aanuu u arkin iney tahay gabar aad u qurux badan.”

Farriintaasi si dhekhsiyo ah ayey u gilgishay baraha -bulshada, dad badan ayaa garab istaag u muujiyay gabadhan yar kuwaas oo dhacdooyin la mid ah ay horey ugu dhaceen, waxey soo dhigeen sawiradda sida ay xaaladoodu ahayd iyo habkii ay dhaawaca u dabooleen oo ay la wadaageen.

Dadkii farriimaha garab istaagga leh soo qoray waxaa ka mid aheyd gabar la yiraahdo Jamielee, waxey soo dhigtay sawirka iyadoo far ay ka maqan tahay oo laga jaray, waxeyna tiri: “Dhaawaca kugu yaalla mid la mid ah ayaan leeyahay, laakiin dhibaato kale ayaa ii sii dheer oo far ayaa iga maqan oo la iga gooyay, saaxiibbadayda iskuulka waan ka khajili jiray, sababta dhaawacayga dartii, marxaladdaa waxaan uga gudbay erayo dhiirrigelin leh oo aan helay.”

Sidaas oo kale, waxey dadku soo dhigeen sawirro qurux badan, dadka qaar ayaa dhaawaca dushiisa ku sawiray shimbir dhaawiciina ka dhigay sidii inuu geed meesha ka baxay oo shimbirtu ku taagan tahay uu yahay oo kale.

Brower ma aanuu filayn in gabadhiisu heli karta dhiirrigelinta intaa le’eg, waxaanuu u mahadceliyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay ee eray qurux badan soo qortay, arrintaas oo keentay in gabadhiisa yar ay ciilkii iyo isbuurashadii ay ka baxdo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close