WararkaWaxbarashada

Burukadii Trump oo Badda Dul Sabbeynaysa.. Makhluuq Yaab Badan oo Dood Ka Dhaliyay Baraha Bulshada (Muuqaal)

Muwaadiniinta xeebta New south Wales ee dalka Australia ayaa waxey heleen noole yaab badan oo qaarka dambe timo ku leh.

Baraha bulshada ayaa waxaa aad looga hadal hayaa makhluuqan, waa sida ay qortay jariidada The Sun.

Dad badan ayaa noolahan ku shabbahay inuu u egyahay timaha Trump ee burukada ah, qof internet-ka isticmaala ayaa si jeesjees leh ku yiri, burukadii Trump ayaa badda dul sabbeynaysa.

qof kale ayaa sheegtay in uu yahay makhluuq yaab badan oo ay adag tahay in la sooco nooca uu yahay, inuu dhammeystiran yahay iyo inuu yahay qeyb ka mid ah xawaan kale, waa shay mugdi farabadan uu ku jiro oo aan la garaneyn, soona jiitay ndhaha dad badan.

Laakiin si dhakhsiyo ah ayaa xayawaankan loo ogaaday nooca uu yahay, maamulaha xarunta cilmibaarista badda Karen Wood ayaa sheegtay in xayawaankan la daahrogay uu yahay qeybta sare ee xaywaanka loo yaqaanno Qandiilka badda nooca Jelly blubber-ka.

Timaha madaxweyne Trump ayaa noqday xilliyadii dambe kuwo lagu kaftamo kadib markii uu soo baxay muuqaal timihiisa oo ay dabayshu kala didineyso, xilli uu sii korayay diyaarad gudaha dalka Mareykanka, iyadoo ay jirtay in Trump uu ku doodi jiray in timihiisu ay yihiin kuwo dabiici ah oo aaney buruko ahayn.

Inta aanuu madaxweyne noqon waxa uu ku kaftami jiray waxaan doonayaa in samada ay roob di’iso si uu dadka ugu xaqiijiyo iney yihiin timihiisa dhabta ah, laakiin maxaa roob la sugaa dabayl ayaaba kala kicisay oo kashiftay in timihiisu ay buruko yihiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close