WararkaWaxbarashada

Maxkamadda Sare ee Kenya oo Burisay Go’aan Horey Loogu Ogolaaday Ardayda Muslimiinta Iney Xijaabka u Qaadan Karaan Iskuullaadka

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta laashay go’aan ka soo baxay maxkamadda racfaanka oo gabdhaha Muslimiinta ah loogu ogolaanayay iney iskuullaadka ku aadi karaan xijaabka.

Garsoorayaashu xukunka waxey ku sheegeen in iskuul kasta uu xaq u leeyahay inuu xeerarkiisa gaarka ah dejisto.

2016 bishii September 7, ayaa maxkamadda racfaanka dalka Kenya ay ogolaatay in gabadhaha Muslimiinta ah ay xijaabka u qaadan karaan iskuullaadka.

Sidaas oo kale, sanadkii 2015 ayaa maxkamadda sare ee dalka Kenya ay soo saartay xukun ka dhigaya in xijaabka loo xirto iskuullaadka inuu yahay kala sooc ardaydii kala geynayo.

Harun Makau, qareenka xukunka soo saaray ayaa sheegay in go’aanka guddiga adeegga macallimiinta iyo xafiiska waxbarashada gobolka Siolo ee iskuulka sare ee Kiwanjani ee ku yaalla St Paul’s, uu ahaa sharci darro iyo kala sooc ardayda lagu sameeyay.

Waxaan weli wax war ah aanuu kasoo bixin wasaaradda waxbarashada Kenya oo aan la ogeyn sida ay uga falcelin doonto go’aanka maxkamadda sare ee dalka Kenya ay ka qaadatay Xijaabka.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close