WararkaWaxbarashada

Shaqsiyaad Caan ah oo Hurdada U Arkay Iney Tahay Waqti Lumis (Muuqaal)

Hurdadu waa suldaan, weedhaas waxaa marmarsiiyo ka dhigta dad badan oo gamaayo iyadoo haysto dhowr jeer lagu qabto, laakiin waxaa jira shaqsiyaad aan hurdadu aaney ka adkaan weligood dhadhankeedana aan dareemin, iyagoo aaminsanaa iney waqti lumis tahay ayna ka horistaagayso iney howshooda u gutaan sida ay tahay, dadkaas waxaa ka mid ah:

  • Farashaxamiistii reer Taliyaani ee  Leonardo da Vinci

Waxa uu ahaa fanaan sawirka ku caan ah oo noolaa xilligii baraarugga ee Renaissance loo yaqaannay, waxa uu ahaa farshaxamiiste sawirka aad u yaqaanna, enjineer dhismaha ah, caalim dhirta ku takhasusay iyo musikiiste, sababaha caanbixiisa waxa uu ahaa qof hibooyin badan leh, waxa uu ka tagay oo taariikhda u galay sawirro muujinaya kartidiisa iyo sida uu xariifka u ahaa oo maanta qaarkood la kala siistay boqolaal milyan oo dolar.

iyadoo ay arrimahaasi jiraan, ayaana da Vinci(Defanje) waxa uu raaci jiray nidaam hurdo oo gaar u ah, 4-tii saacadoodba 20-daqiiqo ayuu ka seexan jiray.

  • Thomas Edison

Waxa uu ahaa ganacsade iyo daahroge Mareykanka u dhashay, daahrogyadiisii waxey kaalin weyn ka qaateen horumarka aadanaha, waxa uu soo saaray laamabadda korontada iyo fotogaraafarka.

laakiin hurdadu agtiisa wax qiimo ah kama aaney lahayn, waxa uu ka aaminsanaa iney waqti lumis tahay, maalintii saddex saacadood oo qura ayuu ka seexan jiray oo u qeybsanaa lix waqti oo kala duwan.

Nikola Tesla

Waa daahroge, physics yahan, Injineer makaanig ah, waxa ay wada shaqeyn jireen Edison, laakiin markii dambe waxa uu aasaasay shirkado horumarin ku sameeyay qalab badan oo koronto ah.

Maalintii waxa uu ka seexan jiray labo saacadood oo kaliya, maalintii inta ka soo harta qayluulo yar ayuu ayuu qaadan jiray xilliyo kala duwan.

Winston Churchill

Waa hoggaamiyihii UK ee dagaalkii labaad ee adduunka, waana Ra’iisul-wasaarihii kaliya ee guddoomiya abaalmarinta Nobel Pize Suugaanta, waxaana uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Mareykanku guddoonsiiyay muwaadinimada sare ee Honorary citizenship.

Laakiin, hurdadiisu aad ayey u yarayd, saacado kooban ayuu seexan jiray 36-saacadood oo kasta, waxana uu sheegi jira in sababta guulaha uu gaaray ay qayluulashadu ka mid ahayd.

  • Margaret Thatcher

Waxey ahayd haweenaydii ugu horreysay ee Ra’iisul-wasaare ka noqota dalka Ingiriiska, waxey xilkaa haystay saddex waqti oo xiriir ah oo xilli kasta loo dooranayay, waxey horumar dhaqaale gaarsiisay Ingiriiska, maalintii 4-saacadood ayey ka seexan jirtay.

Richard Branson

Waa aasasaha iyo maamulaha Virgin Group oo ay hoos yimaaddaan 360 shirkadood, 6 saacadood wax ka badan ma seexan jirin, subax walba waxa uu soo kacaa 5:45 daqiiqo si uu sports-ka u ciyaaro, xoogaa waqti ahna uu qoyskiisa ula qaato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close