arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Layaabka Dunida…Haweenay Lamaanaheeda Nolosha u Dooratay Go’ Ay In Muddo Ah Dhaxanta Ka Huwaneysay! (Muuqaal)

Haweenay daggan magaalada Devon ee dalka Ingiriiska ayaa goosatay iney maherkeeda ku xirato go’ ay aad u jeceshahay; waa sida ay qortay jariidada Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Haweenaydan oo la yiraahdo Pascale Sellick (Baaskaal Salik)oo 49 jir ah ayaa sheegtay in go’ani  uu aad ugu dhow yahay qalbigeeda, markastana uu la jiray xilliyadeedii farxadda iyo waqtigeedii murugada.

Waxey tiri: “Aad ayaan u jeclahay, waxaan doonayaa iney dadku xaadir noqdaan oo ay indhahooda ku daawadaan marka uu meherku iigu dhacayo, waxaan ka hela raaxo, qalbigeygana waxa uu geliyaa farxad.”

Waxaa qorsheysan in guurka uu dhaco Febraury 10-keeda soo aaddan, waxey usoo xiran doontaa arooskeeda xafadda dharka iyo kabaha hurdada.

Dadka ay xafladda ku casuuntay waxey kula talisay iney xafladda ku yimaaddaan sandal iyo dharka hurdada.

Haweenaydan xaalado la mid ah ayaa horey loo diiwaangeliyay oo dunida uga dhacay, Haweenay u dhalatay dalka Sweden oo la yiraahdo Berliner Muir, ayaa guursatay derbiga caanka ah ee Berlin Wall. sidaas oo kale,  Haweenay reer Mareykan ah oo la yiraahdo Erika Labri ayaa 2007 guursatay oo maherka loogu xiray tallada caanka ah ee Eiffel Tower. Afyad oo ka mid ah dadka deggan San Diego, California ayaa sheegtay inuu guursaday boosteejo tareen oo loo yaqaano Santa Fe.

Sida lagu sheegay daraasad ay faafisay jariidada Electronic Journal of Human Sexuality, ayaa lagu ogaaday in kala bar dadka caashaqa waxyaabaha adkaha ah ee aan nafta lahayn, ayaa qaba cudurka Autism-ka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close