WararkaWaxbarashada

Qoys Yar oo Taliyaani Ah oo Sameeya Dalladaha Ugu Wanaagsan Adduunka (Muuqaal)

Qoyska Mariyo Talariiko waxey dallaayadaha sameynayeen shan fac, Dallaayadoodu lama mid ah dallaayadaha kale, waxaa suurtaggal ah in halkii dallad ay ku iibiyaan lacag ka badan 20-kun oo dolar.

Waxaa dhici karta in halkii dallad lagu sameeyo 5 bilood, dalladaha ay sameeyaan isma shabbahaan oo wey kala duwan yihiin.

Mariyo, Napoli waxa uu ka yahay halyeey, dadka intooda badan waxey u aqoonsan yihiin dallaayadaha uu sameeyo iney yihiin farshaxan qiimo badan oo magaaladu leedahay.

Tukaankan ayaan ku sugnaa ilaa markaan 12 jir ahaa, Hadda waxaan jiraa 87 -jir, muddo 75-sano ah ayaan dallaayadaha sameynayay.

Mariyo Talariiko iyo wiilka uu adeerka u yahay oo isna la yiraahdo Mariyo Talariiko, waxey ka mid yihiin xirfadlayaasha dallaayadaha sameeya ee fara ku tiriska ah ee ku soo haray dalka Taliyaaniga.

Waxey yiraahdaan in dalladda gudaha laga furo, waxey soo jiiddaa nasiibdarro, haddii xaalku uu sidaa yahay inta aaney dhalan ka hor ayaanba dhiman lahaa!.

Aniga dhankeyga, maadadu waa shayga aasaasiga ah  sida uu qufku u qaadanayo raashinkiisa oo kale.

Haddii uu qofku dookh wanaagsan leeyahay, sida ugu wanaagsan ee uu raashinka ku cuno wuu yaqaannaa, waxa uu arkayaa raashinka ugu wanaagsan ee ku hareeraysan.

Sidaas si la mid ah ayaan sameeyaa faahfaahinta dallad sameynta, alwaaxa, xariirta iyo dunta ugu wanaagsan ee aan heli karo ayaan raadsadaa, waa kuwan waxyaabihii ugu fiicnaa, waxaana ka soo baxaya waxa ugu fiican. tani waa waxa aan ganacsiga kale uga duwan nahay.

Tani dallad un maaha ee waxey noqoneysaa mid farshaxan sare lagu soo saaray oo cajiib ah.

Halka ay wax kaa jiraan ee qiimuhu yaallo waa hal-abuurka.

shaqada tolmadu ma dhammaato, marwalba farsamada waan bedelaa oo wax isku mid ah ma sameeyo, macaamiisheenna ayaa ka badan dalladaha aan sameynno.

Adeerkay waa mas’uul qiimo badan, waxaan u jeclaaday la shaqeyntiisa waxa uu iila mid yahay masraxa oo madadaalo farabadan ayaan agtiisa ka helaa. waxa quruxda badan ayaa ah inuu ku weyn yahay qalbiga dadka Napoli. tukaan yar ayaan leenahay, dunida oo dhan ayaad arki kartaa, meelo fogfog ayaad ku arki kartaa dallaayadahayga, meel fog ayaad ka aqoonsan kartaa, maadama ay aad u qurux badan yihiin.

Macaamiishu marka ay meelo fogfog ka arkaan waxey yiraahdaan waxaa dalladda Talariiko, arrintaasina waa mid faan ii ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close