WararkaWaxbarashada

Aadanaha oo Qura Uma Gaar Aha.. Xawaanku Wuu Yaqaannaa Sida Uu Laabta Isku Geliyo Marka Ay Baqdin Dareemaan Ama Ay Isku Hilowaan!(Muuqaal)

Salaanta is qooreynta ah ee laabta la is-geliyo waxey ka mid tahay qaababka ay aadanuhu ku muujiyaan jacaylka iyo kalgaceylka ay u qabaan qofka ay salaamayaan, haddii uu yahay waalidkood, saaxiib ama qof ay si gaar ah u jecel  yihiin, sidaa darteed nin reer Mareykan ah oo la yiraahdo Kevin Zaporny, ayaa soo hindisay 1986 in January 21 ay noqoto maalin u gaar ah in laabta la is-geliyo(Hug), waxa uu arrintaa ku sababeebayay in dadka qaar ay niyad jab dareemaan bilowga sanadka cusub sabab kastaa ha u keentee, sidaa darteed; aadanuhu waxa uu u baahan yahay qof laabta gelisa si murugada uga yaraato tamar wanaagsan iyo farxad ay uga helaan.

Dhanka kale, in laabta la is-geliyo waxey yareysaa welwelka, marka qof laabta la geliyo jirku waxa uu soo saaraa hormoon jacaylka ee Oxytocin, kaas oo qofku uu xasiillooni ka helo, dhiigga cadaadiskiisna ku yaraado, hurdo yaridana loogaga adkaado, waa sida uu sheegay website-ka “Webmd“.

Laakiin, is qooreynta iyo laabta oo la isgeliyo aadanaha oo qura kuma eka, xawaanku laabta wey is-geliyaan marka ay cabsi dareemaan ama ay jacayl isku qabaan, laakiin waxaa aad u yar inta ay kaamirooyinku soo qabtaan, ilbiriqsiyadani waa sawirro ka mid ah xawaan laabta is gelinaya oo si gaar ah loosoo uruuriyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close