WararkaWaxbarashada

Dhammaad Naxdin Badan oo Ay Ku Soo Gabagabowday Nolosha Ardayad Caafimaadka Barata oo u Dhimatay Lacag Hal-doolar Ka Yar Gudaha Ukraine

Ardayad caafimaadka barata oo u dhalatay dalka Ukraine ayaa nolosheeda si aad u murugo badan ay ku soo gabagabowday kadib markii ay ka dagtay gaarigii ay saarneyd oo ay awoodi weyday iney iska bixiso lacagtii lagu raacayay oo aad u yareyd.

Warbaahinta maxalliga ah ee Ukraine ayaa sheegay in Eriniya Difooritiska oo 21-jir ahayd ay u socotay hooyadeed oo isbitaalka Olifiska ee waqooyiga Ukraine ku jirta, darawalkii gaadiidka dadweynaha ee ay la socotay ayaa ku khasbay iney gaariga ka dagto iyadoo la marayo goob cidlo ah oo heerkulkuna 20-darajo uu Eber ka hooseeyo.

Darawalkii gaariga ayaa gabadhan miskiinta ah ka codsaday iney gaariga ka degto markii ay saacaddu ahayd Afartii Subaxnimo, waxey ogaatay inaaney jeebkeeda kuwadan wax lacagta ah, iyadoo qiimaha laga rabay uu ahaa 25-Hiriifiin-ka lacagta Ukraine ah, waa lacag u dhiganta 68-santi oo doolarka Mareykanka ah, waa wax hal doolar ka yar.

Baaritaannadii koowaad ee la sameeyo ayaa lagu ogaaday in ardayaddan dhalinyarada ah, waxa u furnaa uu ahaa iney mugdi ku dhex lugeyso iyo keymo dhexdood xilli habeen ah, wey luntay, waxey ku dhacday god ay ku barafowday illaa ay ka dhimato.

Aabbaha dhalay Erina oo ka waardiye ka ah beer xayawaan, ayaa sheegay in maydka gabadhiisa la helay kadib markii labo maalmood la raadinayay, walaasheed waxey sheegtay: “Waxey dooneysay iney booqato hooyo oo sambabaha laga hayo oo xaaladeeda ay sii xumaaneysay.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: Erina aad ayey u degdegsaneyd arrintaas oo keentay iney illowdo boorsadeedii lacagta, waa sida ay sheegtay jariidada Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Boolisku waxey baarintaan ka fureen dhacdadan si ay u ogaadaaan faahfaahinta sheekada iyo sida ay wax u dhaceen, dhakhtiirtii baartay waxey sheegeen iney qabow u dhimatay.

Marka Tuhunku ku caddaado darawalkii gaariga, waxaa la filayaa in lagu rido xukun ciqaabtiisu gaarsiisan tahay 5-sano oo xabsi ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close