arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ilma Yar oo La Raadinayay Muddo 14 Cisho Ah oo Maydkiisa Laga Helay Ceel 100 Mitir Ah oo Dhumucdiisu Ay Aad u Yar Tahay (Muuqaal)

Kooxda badbaadinta Spain ayaa Sabtidii helay maydka ilma yar oo labo sano jir ah oo ku dhacay ceel koonfurta Spain oo warkiisa dunida oo dhan uu si xoog ah ugu baahay.

Shabakadda CBS ee dalka Spain ayaa sheegtay in kooxda badbaadinta maxalliga ah ay heleen maydka ilmaha yar oo la raadinayay laga bilaabo13 Janaury, maydiiska waxaa laga helay gunta ceel aad u dheer oo si dhib badan looga soo saaray.

Ciidanka gurmadka ayaa bilaabay hoshooda badbaadinta oo ay wadeen in muddo si ay u gaaraan  ceel guntiisu ay tahay ilaa 100 mitir ballaciisuna uu gaarayo 25 Cm oo qura.

Wiilkan yar ayaa ceelka ku dhacay xilli uu qoyskiisa la dalxiisayay gobolka Totalana ee gudaha Malaaga, mas’uuliyiintu ma aaney helin wax farriin ah oo muujinaya in ilmaha yari uu nool yahay, laga soo bilaabo markii uu ceelka uu ku dhacay, muddo hadda laga joogo 13-cisho.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close