arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dalxiiska Dunida.. Jasiiraddan Dadku Waxey Ku Hadlaan Luqad Aan Erayo Lahayn (Muuqaal)

Dayfid, Hee?, Soo kac waa 7-dii subaxnimo, waa inaan xoolaha foofinnaa, , Haye waan soo socdaa, waan ku sugayaa. labadan hadda waxey ku wada hadleen foori oo ay isku fahmayaan, waxey ku nool yihiin La Gomera, Canary Islands oo gudaha Spain ku taalla.

Halkan baadiyaha dadku waxey ii yaqannaan magaca Lito…, aniga ayaa ah qowsaarka kaliya ee goobta ku nool, laakiin magaceyga dhabta ah waa Sebastian Vera Herrera, markii aan 6 ama 7 jir ahaa ayaa bartay foorida oo awoowyaashey ay i bareen.

Luqadda Silbo ee foorida waxwalba ayaad ku sheegi kartaa, xayawaanku xitaa wuu fahmaa Silbo, xoolaha waad ku dhaqaajin kartaa ama ku joojin kartaa markaad kula hadasho. waxwalba oo aad tiraahdo haddii aad foori ugu sheegto wey ku fahmayaan.

Xilliyadii hore dadku waxey wax iskugu sheegi jireen Silbo, qofka ayaad war ugu sheegeysaa kadibna dadka kale ayuu ugu sii gudbineyaa, Xilliyada qaar si wararka loo gaarsiiyo meelaha ugu fogfog ee jasiiradda waxey ku qaadataa 2-saacadood oo qura.

Haddii Silbo ay lunto, luqaddeenna gaarka ah ma yeelaneyno.

Xilliyadii hore xoolo dhaqatada meel walba waad ku arkeysay oo buur kasta ayey ka foorin jireen, qowsaar kasta waxa uu adeegsan jiray luqadda Silbo, laakiin dad badani magaalooyinka ayey u guureen, luqaddani waa mid la sii illoobayo, waxaa isticmaala xoolaaleyda xiriirka la leh eriga iyo eyda, hadda silbo si tartiib tartiib ah ayaa loo illoobayaa.

Mararka qaar qof magaalada jooga oo foorinaya ayaad arkaysaa ama caruurta iskuullaadka joogta oo taqaanna, laakiin marka ay weynaadaan shaqadooda uma isticmaalaan. xafiiska dhexdiisa kuma foorin kartid, Silbo waxaa lagu adeegsadaa miyiga… markan waa loo yeeray… kaalay qadadii waa diyaar.

Anigu xoolaha ayaan jeclahay oo aan raacaa, waxaa dhici karta in xaaladdu ay igu adag tahay, laakiin halkan ayaan ku barbaaray nolosheedana aan jeclahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close