arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Falcelinta Sheekh Caan Ah oo Fanaanad Ay Guur Usoo Bandhigtay (Muuqaal)

Jawaabta sheekh caan ah uu gaarsiiyay fanaanad guur u soo bandhigtay ayaa guux badan ka dhalisay gudaha Algeria, arrintaas oo ku khasabtay iney u jawaabto kadib markii uu bandhiggeeda diiday.

Sheekada ayaa waxey ka bilaabatay kadib markii haweenay wariye ah oo la yiraahdo Zahiida Thaabit ay idaacad la yiraahdo Shamsa FM oo uu marti u ahaa sheekha daaci ah oo caanka ka ah gudaha Algeria oo la yiraahdo Shamsuddiin al-Jasaar’i usoo bandhigtay guur iyadoo ku hadleysa codka fanaanadda Naciima Cabaabisa oo guur ka dalbatay sheekha.

Haweenaydan weriyaha ah ayaa Skepka kula soo hadashay sheekha waxeyna tiri, sheekh sidaa aad og tahay anigu fanaaniin badan ayaan xiriir la leeyahay, markasta oo aan is aragno waxaan kaa sheekeysannaa fanaanadda Naciimo cabaabiisa oo jeclaan lahayd inaad guursato, marar badanna igu tiri, haddii uu yeeli lahaa sheekhaa waan jeclaan lahaa inuu i guursado.

Laakiin sheekhan daaciga ah ayaa diiday bandhiggaas, waxa uu yiri: “Waxaan leeyahay xaas nolosheyda aad ayaan ugu faraxsan nahay, xaas kalena ma raadinayo.”

Waxa uu ugu baaqay fanaanadda iney Alle SW ay u towbad keento oo ay iska dayso heesaha, waxaanuu u rajeeyay iney hesho lamaane wanaagsan oo ay weysada isku dhowrtaan.

Sheekha waxa uu ka sheekeeyay inuu hadda ka hor ay fanaanaddu u soo bandhigtay guri uu dago xilli ay haysata dhibaato guri la’aan ah, laakiin uu ka diiday una mahadceliyay.

Daacigan ayaa sheegay iney Naciima Cabaabisa ay isku barteen safar Xaj oo uu madaxweyne Butufliiqa kafaalo qaaday, xilligaas oo ay ka mid ahayd wefdi fanaaniin ah oo xajkaa nasiib u yeeshay.

Saacado kadib markii ay xalqaddaasi baxday ayaa fanaanadu ka soo jawaabtay oo ay tiri gabadha wariyaha ah waxey sheegayso waa waxba kama jiraan, aniguna sheekha uma soo bandhigin wax guur ah, aad ayaan u ixtiraamaa agtaydana waxa uu ka yahay sidii walaalkey iga weyn oo kale.

Halka Sahiida Thaabit ay marlabaad soo hadashay waa gabadhii wariyaha ahayde, waxey sheegtay inaaney wax been-abuur ah sameyn, waxey ku doodday, haddii sheekadaydu ay been tahay tan sheekha uu inooga sheekeeyay ma beenbaa iyaduna?

Goobjoog Edu

Related Articles

Close