arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ma Aqbaleysaa Inaan Gabadhaada Noqdo?.. Farriin Saameyn Badan oo Canug Yar Ay U Dirtay Hooyadeed Ninka Qaba.. Daawo Falcelintiisa

Muuqaal saameyn badan ka dhilayay baraha bulsahda ayaa la arkayay canug yar oo ka codsaneysa hooyadeed ninka qaba inuu korsado.

Gabadhan yar ayaa la yiraahdaa Alisandara, waa 8-jir, iyada hooyadeed ayaa waxey ku heshiiyeen in Liyunardo la keeno garoon lagu ciyaaro kubadda baseball oo ku yaalla magaalada Alabaster ee gobolka Alabama ee dalka Mareykanka.

Liyunardo, waxa uu garoonka soo galay isagoo indhihiisa ku qarinaya gacmo-geshi ama gloofis si looga qariyo lama filaanka.

markii  uu gacmaha wejiga ka qaaday ayuu arkay gabadha yar ee ay xaaskiisu dhashay oo wadata boor uu ku qoran yahay, “Adigu waxaad tahay waalidkey weligaana waad ahaan doontaa, ma aqbaleysaa inaan gabadhaada noqdo.?”

Liyunaardo waxa uu sheegay inaanuu ka labo labeyn iyadoo labadiisa indhood ay ilmeynayaan ayuu haa ku ugu jawaabay, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Aad ayaan ugu faraxsanaa iney go’aanka si shaqsi ah ay u wada qaadataan, waxey ahayd ilbiriqsiyo nolosheyda saameyn badan ku yeeshay oo aanan marnaba illoobi karin.”

Anjalina oo ah hooyada dhashay gaadhan yar ee Alisandara, waxey guursatay 2012 Liyunardo, gabadhan yar isagaa soo koriyay illaa xilligii ay muluqa ahayd, waa sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay shabakadda SBC 24.

Waxa uu tilmaamay: Waxaan rajeynayaa inaan ka soo dhalaalo kaalinta waalidka naxariista badan, iyo inaan gabadheyda baro sida uu noqon karo aabbaha wanaagsan.

January 10,  ayaa Alisandara ay noqotay gabadha sharci ahaan uu dhalay Liyunardo, waa markii uu soo dhameystiran warqadihii sharci ahaa ee looga baahnaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close