WararkaWaxbarashada

Shirkad Shiineys ah oo Shaqaalaheeda Ku Abaalmarisay “Buur Lacag Ah” (Muuqaal)

Shirkad Shiineysa ah ayaa waxey soo hindistay waddo cajiib ah oo ay ku abaalmariso shaqaalaheeda oo shirkado badani ay ka maseyreen.

Iyadoo ay jirto in sanadka cusub ee Shiinaha uu soo dhawaanayo, ayaa warshadda birta ee Nanchang ee gobolka Jiangxi ee dalka Shiinaha ay u dhistay shaqaalaheeda buur lacag ah oo loogu talogalay in lagu abaalmariyo.

Sida ay qortay jariidada Shangahay ee dalka Shiinaha, qiimaha buurtan lacagta ah ayaa gaareysaa 44 milyan oo dolar oo ah abaalmarin loogu talogalay 5000 oo shaqaalaha shirkadda ka tirsan, arrintaas oo ka dhigan in qof kasta oo Shantaa kun ka mid ah uu heli doono 8-kun iyo 8-boqol oo dolar.

Abaalmarinnada sanadka dhammaadkiisa ayaa shirkadaha dunidu ku tartamaan waxey abaalmariyaan shaqaalah oo loo sameynayo niyad dhis ay sanadka cusub si firgircooni leh ugu gutaan howshooda.

Abaalmarintan ayaa looga golleeyahay in kor loogu qaado niyadda shaqaalaha, si ay shaqada ugu soo laabtaan fikrado cusub iyo niyad sare.

Shirkaddan Shiinaha ah oo kaliya maaha kuwa lacago farabadan ku bixiya abaalmarinta shaqaalahaooda, haddii dhanka India aan jaleecno waxaa ku dhaqan ganacsade dheemanka ka shaqeysta oo la yiraahdo Safje Dokaaliya oo sanad walba shaqaalihiisa u qeybiya abaalmarinno ay ku farxaan, sanadkan waxa uu lix boqol oo gaari uu u qeybiyay shaqaalaha kaalmaha sare ka galay howlkarnimada muujiyay, horumarka shirkadda ka qeybqaatay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close