arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waa 81 Jir.. 60 Sano Ayey Ku Qaadatay Iney Hesho Hooyadeed oo 103 jir Ah (Muuqaal)

Hadda qof rajo ma ahi oo hooyo la’aan ah ma ah, waa  Erayadaas ayay ku dhawaaqday haweenay 80-jir ah oo muujineysay farxadeeda kadib markii ay heshay hooyadeed oo ay raadinteedu ku qaadaty muddo 60-sano ah.

Ellen McCain waxey raadineysay hooyadeed muddo 61 sano ah oo aaney marnaba quusan, hadda ayey ku guuleystay, waxey heshay hooyadeed oo 103 jir ah .

Hooyadeed oo qura ma aaney helin ee waxey heshay labo qof oo kale oo la dhashay oo 70-jir ah.

Makeyn waxey raadineysay qaraabadeeda dhiigga, kadib markii ay kalinimo dareentay, sidaas oo kale waxey dooneysay iney ogaato taariikhda caafimaad ee qoyskeeda si ay uga gaashaamato mashaakil caafimaad oo labadeeda gabadhood soo waajihi kara mustaqbalka.

Si ay baaritaanka u gasho, waxey kaashatay caalim genetics-ka iyo cilmiga hiddaha ku takhasusay, ugu dambeyn waxeyna ku guuleysatay iney heshay hooyadeed kadib markii ay sameysay baarintaanka DNA.

Haweenaydan 81-jirka ah oo hadda la nool ninkeeda Ronald iyo wiil iyo gabar ay dhashay oo deggan Deblin ayaa kalinimo dareemaysay, maadama aaney aqoon qof qaraabo la ah oo ay dhiigga wadaagaa iyo cidda ay walaalaha yihiin oo ay dugaashato, waa sida ay sheegtay jariidada Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Kulanka hooyadeed ayaa wxey ka tiri, ilaa hadda weli iima aaney suurtagelin inaan la kulmo, maadaama ay dhawaan galeyso qalliin il loogu fiiqayo, laakiin waxey sheegtay iney taleefoon ku wada hadleen iyadoo ay hooyada yara dhaqo cusleysay oo aaney si fiican wax u maqleyn.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close