arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waadiga Qubuuraha ee Jasiiradda Sicily.. Kuma Dhacdid Inaad Booqato (Muuqaal)

Qubuuraha Necropolis de Pantalica ee Taariikhiga ah waxa uu ku yaallaa jasiiradda Sicily, waxa uu ka kooban yahay 5-kun oo qabri, oo dhagaxaan laga qoday, qubuuran qaarkood waxaa lagu tilmaamaa iney dhisnaayeen illaa 3-kun oo sanno.

Sicily waxa ku yaalla qubuuro qadiimi ah, laakiin sida caadada ah qubuurahan marka aad eegayso dhulka Kuma yaallaan ee waxaad ka eegaysaa dhanka sare ee buuraha oo derbiyada tog meesha ku yaalla ayaa laga qoday.

Deegaanka qabuurahan ku hareeraysan waxaa ka buuxa geedo iyo xawaan duur joog ah, sanadkii 2005 ayaa waxaa loo diiwaangeliyay iney noqoto goob taariikhi ah oo hiddaha aadanaha ka mid ah .

Hadda lug oo qura ayaa lagu gaari karaa, markaadse booqoto waa goob lagu cibro-qaato oo taariikh hore dib kuu xasuusineysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close