WararkaWaxbarashada

Wax Ka Ogow.. Daanyeerka Ugu Caqliga iyo Nadaafadda Badan Adduunka(Muuqaal)

Daanyeer nooca Shambanziga ah oo ku nool beer xayawaan oo ku taalla magaalada Shenyang ee dalka Shiinaha ayaa cajab gelisay dadka beerta u dalxiiska tahay ee booqday, waxey arkeen sida wanaagsan ee ay u nadiifineysa xayndaabkii ay ku jirtay oo ay quruxsatay.

Sida ay qoftay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Shambansiga Mi So oo hadda 18-jir ah dhirirkeeduna yahay 1-mitir, ayaa waxey si wanaagsan ugu datayay shaqaalaha naadafadda beerta oo waxey qashinka iyo saalada ka gurtaa shabaqa ay ku dhex jirto oo si aad ah ay u nadiifiso.

Waardiya mas,uulka ka ah shabaqa ay daanyeertani ku jirto ayaa waxa uu yiri: Waxey na daawaneysay sida aan wax u nadiifinno, sidaa darteed waxaan siinnay xaaqin, si wanaagsan ayey u qabsatay si mug leh ayey u eegtay, kadibna waxey bilowday iney shabaqeedii ku nadiifiso.

Waxaa xusud mudan, in koritaanka fikirka daanyeerka Shimbanziga uu la mid yahay fikirka ilmo yar oo 3-sano jir ah, Mi So waxey ku wanaagsan tahay sidoo kale  iney furato dhalooyinka biyaha, kubadda cagtana ay ciyaarto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close