WararkaWaxbarashada

Kayn Cidlo Ah Ayuu Ku Lumay.. Madaxkuti Ayaase Ka Badbaadisay Inuu Qabow U Dhinto.. Ilmo yar oo Ka Sheekeenaya Sida uu u Badbaadiyay Saaxiibkiisa Cusub!(Muuqaal)

Ilmo Yar oo saddex jir ah oo ka soo jeedda gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in madaxkuti ay badbaadisay kadib markii uu duurka cidladaha ah labo maalmood uu ku lunsanaa.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, ilmahan yar ayaa ku lumay bannaanka dambe ee guriga ayeydii oo uu walaaladii kula ciyaarayay.

Wiilkan yar ayaa raadintiisa waxaa ka qeybqaatay xafiiska FBI iyo dad kale oo mutadawiciin ah, ku darso diyaarado Helikabtar ah iyo kuwo Drones ah ayaa lagu raadiyay.

Sababta shaqaalaha badbaada ay u welwelsanaayeen waxa ugu weynad inuu watay dhar khafiif ah dhibaatana ay ka soo gaari kartay heerkulka oo aad u hooseeyay darteed.

Baaritaanka ayaa labo maalmood dib loo dhigay, maadaama uu jawigu aad u xumaa, isla markaana loo baqay nafta dadka badbaadiyayaasha ah.

Wiilkan markii la soo badbaadiyay ayaa waxa uu sheegay in waqti uu la qaatay madaxkuti weyn oo uu ka dhigtay saaxiibkiisa cusub, kaas oo qabowga difaac uga noqday.

Wiilkan yar habaryartii oo saxaafadda la hadashay ayaa tiri: “Alle ayaa u soo diray cid ilaalisa, xilliyada qaar mucjisooyinku wey iska dhacaan”

sida ay dhakhaatiirtu sheegeen caafimaadka wiilkan yar aad ayey u wanaagsan tahay, wax dhibaato ku ah noloshiisana ma jiraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close