WararkaWaxbarashada

Makhluuq Yaab Badan oo Hal Il Leh oo Ku Dhashay Gudaha India (Muuqaal)

Dadka daggan gobolka Bengaal ee dalka India ayaa caabuday dibi dhallanrogan oo hal il oo kaliya leh oo dhawaan la dhalay.

Muuqaal laga soo duubay xaywaankan miskiinka ah ayaa si weyn ugu faafay internetka, il kaliya ayuu leeyahay, afkiisana wuu ka dhalan rogan yahay, si wanaagsan xitaa uma neefsadan karo.

Dhakhaatiirta xoolaha ayaa xaaladda dibiga ku fasiray iney tahay xaalad naadir ah oo loo yaqaannno Saykaloobiya, waxaana uu ku dhacaa dhallaanka xilliga riximka hooyadood ku jiraan, waxa uu sababaa in maskaxda labada dhinac u qeybsan ay hal-qeyb iskugu uruurto.

Dibigan hooyadii Lo’dii dhashay wey dayrisay, waxaa hadda daryeela dadka deegaanka oo sidii ay wax ku siin karaan kula tacaala.

Ninka dibigan iska leh ayaa sheegay iney dadku si aad ah ugu yimaadda illaa maalintii uu dhashay dibigani, waxey dadku aamineen in mucjiso rabbi uu yahay, qaarkoodna horey ayeyba ka caabideen, maadama India guud ahaan dadka Hunduuska ah ay ku badan yihiin.

Sidaas oo kale horey dalka India waxaa ugu dhalatay ri’ hal il leh oo dood badan ka dhalisay gudaha bulshada, halka dadka qaarna ay ku tilmaameen iney tahay mucjiso rabbaani ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close