arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sheekada Nin 9 Sanno ku Noolaa Jasiirad Cidlo ah oo Dooni Ay Kula Caariday… Arrintii Qabsatay Ee Ugu Yaab Badneyd(Muuqaal)

Qof 9-sano ay ku qaatay inuu ku noolaado jasiirad cidlo ah oo isaga mooyaane aaney cidina daganeyn, waxaa badbaadisay saddex xaraf oo uu qofi ku arkay sawirada Google Earth.

In badan oo inaga mid ah wey daawatay nooca aflaamta dad ku lumaya jasiirado geeri go’an ah ee cidina aaney joogin ama saxaro cidlo ah oo biyo iyo baad toona aan lahayn, arrintaa caqligeenu wuu qableyay xitaa inta aaney soo bixin teknoloojiyada casirga ah oo meel kasta aad gurmad ka weydiisan karto, iyadoo ay jirto horumarka teknoloojiyadda ee aan marnaba istaageyn ayaa hadana dhacdooyinka ay dadku ku lumaan ama meel cidlo ah ay dooni kula caarido illaa iyo maanta ay jiraan.

Laakiin horumarka teknoloojiyada mararka qaar waxa uu horseedaa in dadkaa la la’ yahay ee safarrada ku lumay waa marka ay ka badbaadaan burburka diyaaradaha iyo iney badda ku dhex lumaan, waa mar haddii ay awoodaan iney naftooda ilaashadaan muddo 9-sano ah.

Aadam Jonson waxaa uu muddo 9-sano ku qaatay gudaha jasiirad lama dagaay ah, waxa uu halis ugu jiray inuu gaajo u dhinto ama uu cidlada ku waasho, laakiin waxaa badbaadisay teknoloojiyad, mahadsanid Google Earth.

Dhacdadan ayaa dhacday 2006 xilligaas oo isaga iyo labo qof oo saaxiibbadii ah ay goosteen iney ka dhaqaajiyaan magaaladooda Liverpool si ay fasaxa ugu qaatan laash yar oo u gaar ahaa iyagoo u jihaystay jasiiradaha Hawaay.

Bilowgii hore wax walbaaba sidii loogu taloglay ayey u socdeen, laakiin laashkii ayaa ka qariqmay, dabeyl xoog badan ayaa qabsatay iyagoo dhex bartamaha badda socda, markii dabeyshii ay joogsatay ayaa Aadan oo miyir daboolmay dib u soo ceshaday wacyigiisa oo uu soo baraarugay ayuu arkay iney saaxiibadii ay kala lumeen, waxa uu naftiisa ku badbaadiyay qeyb yar oo laashkii burburay ka mid ah oo uu dusha ka saarnaa.

Muddo todobo cisho ah ayuu naftiisa la tacaalay si uu mar un u gaaro goob uu cagta dhigo, qalabkii teknoloojiyadda ahayd ee uu watayna wuu isku dayay inuu gurmad ku helo, markii uu jasiiradda cidlo ah soo cag dhigay, ayuu maalmihiii koowaad dhistay buul uu ku noolaado, arrinta ku adkeyd ayaase ahayd inuu helo raashin wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ugaarsiga aan waxba ka aqoon, ugaadha jasiiradda joogtaa aad ayey u dheeraysaa oo si sahlan laguma soo qaban karo, laakiin nasiib wanaag waxa uu helay ri’ meel qodxaha ku xayiran oo si ay uga baxdo la’ markaas ayuu u qaatay si uu u cuno, ridaasi waxey u noqotay 50 KG oo hilib ah, wuuna dhaqaaleystay hilibkaa.

Aadam wuu fakaray, waxa uu goostay inuu naftiisa tababaro si uu u helo ugaarsiga uu u baahan yahay awoodeedana uu u yeesho, waxa uu naftiisa ku leyliyay orad iyo jimicsiyadii kale ee markaa maskaxda uu ku hayay ee uu is lahaa waxbay ku tarayaan.

Laakiin waxa ugu daran ee naftiisa dhibaatada ku hayay ayaa ahayd inuu aad uga murugooday kalinimada oo dhibaato weyn ku haysay.

Markii dambe waxa uu goostay inuu farriimo dhulka ku qoro si uu u helo cid un caawisa ama farriintiisa hesha oo saaray diyaaradaha jasiiradda dulmara, markii uu muddo ku socday qorshahaa, ayuu maalin maqlay codka diyaarad u soo dagtay iney naftiisa badbaadiso, iyadoo diyaaraddaasi ay wadday cunto, biyo iyo daawooyinka uu u baahan karo oo dhan, waxeyna noqotay markii ugu horreysay ee uu maqlo dhawaaqa qof aadane ah muddo 9-sano ah.

ciidankii badbaadinayay ayaa u sheegay in arday dhigta jaamacadda Minisota uu arkay xarfaha uu gurmadka ku dalbanayay oo uu ka helay sawirada satallataydka ee uu qaado Google Earth oo uu ka dhex arkay SOS erayga ii gurmada oo jasiiradda ku qoran, waxaanuu gaarsiiyay dowladdiisa.

Saxaafadda maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa aad ula cajabay adkeysiga aadam iyo dulqaadka uu muujiyay sanadahaa abaarta ah iyo cidlada ku qabsaday ee naftiisa soo maray, taasoo cidina aaney horey u sawiran in qof aadane ah uu adkeysigaa yeelan karo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close