arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sideed u Saamixi Lahayd Qofka Kugu Gafa.. 3 Xeer ee Lagama Maarmaanka u Ah (Muuqaal)

Daraasad lagu faafiyay joornaalka sareedada ee Happiness Studies, ayaa waxaa lagu caddeeyay iney jiraan xiriir adag oo ka dhaxeeya saamaxaadda u dhaafista oo dhinac ah iyo raalli ahaanshiyaha iyo sareerada farxadda nolosha oo dhanka kale taagan.

Waxey soo uruuriyeen tiro dad ah, waaqicooda bulsho iyo duruufta maaddiga iyo midda macnawi ahaan ee ku xeeran ayey daraaseeyeen. su’aalo dhowr ah ayey weydiiyeen oo laga ogaanaya farxadda ay haystaan, waxaa lama filaanku noqday in dadka ugu saamaxaadda badan ay dadka ugu farxad bateen.

Is cafinta waa akhlaaqda ugu sarreysa oo la doonayo inaan ku dhaqanno, sidaa darteed; waxaa muhiim ah inaan baranno sida aan xumaanta isku illowsiinno oo aan iskaga indha tirno. si aaney xumaantu saameyn ugu yeelan dareenka raadna aaney ugu reebin naftaada.

Dunyaa Hilaal oo ah haweenay ku takhasustay psychologically ayaa xadidday saddex xeer oo lagma maarmaan ay tahay in lagu dhaqmo marka ay qof xumaan idin kala gaarto ama lamaanaha aad isku yara uur xumaataan, saddexdaa xeer waxey kala yihiin:

1- Yara Sug xoogaa xaaladdu inta ay ka dagayso: Qofka si bareer ah ha u waajihin; si aaney xaaladdu u sii xumaan; maalmo yar sug; si dareenkaagu u yara xasilo, caradaaduna u dagto, xaaladdu sidaa uma sii adka, xasuuso waqti kasta oo wanaagsan ee idin soo dhex maray inta jeer ee hore ee uu garabkaaga taagnaa.

2- Isku day inaad is illowsiisyo wixii dhacay inta karaankaaga ah: mar kasta oo aad xasuusato eraydiisii xanafta lahaa, waxaa sii kordhaysa xumaanta aad u qabto, haddii ay lagama maarmaan noqoto in muddo ah aragtidiisa ka fogow illaa aad ka hubsaneyso in mushkiladdii ay dhammatay oo caradii ay kaa jabtay.

3- Raadi sababta mushkiladda dhexdiinna taalla: Ma jiro qiiq dab la’aan iska  baxa, sabab ayaa jirta oo ka dambeysa wixii dhacay, waxaa dhici karta in khaladku uu dhankaaga ahaa oo aadan ku baraarugsaneyn, falcelintiisa adag ee aad ka aragtayna waxaa dhici karta iney tahay howlo badan oo is biirsaday, gaar ahaan waa marka xiriirkiinnu uu adag yahay, sidaa darteed; xukun ha kula degdegin illaa aad naftaada xisaabiso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close