arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hindhiso Kaliya Ayey Ku Heshay Faraanti Ay Si Aad Ah u Raadineysay Muddo 12-sanno Ah(Muuqaal)

Muddo 12 sano ah kama aaney quusan iney raadiso faraantigii ay jeclayd oo ka lumay, waxeyse ku heshay hab layaab badan iyo goob aan qofina ku fakarayn in laga heli karo.

Abigal Tonbison oo ah khabiir dhanka is qurxinta ah oo ka soo jeedda deegaanka West Yorkshire ee gudaha Ingiriiska, ayaa weyday faraanti ay hooyadeed hadiyad ugu keentay markii ay 8 jir ahayd.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in gabadhan dhalinyarada ah ee 20-jirka ah ay dareentay in wax ay sankeeda ka soo boodeen xilli ay si xoog ah u hindhistay iyadoo gurigeeda joogta, markii dambe waxaa u soo baxday iney heshay faraantigii ay raadineysay illaa 2007.

Tonbison waxey heshay faraantiga oo duuf uu ku xeeran yahay, waa sida ay sheegeen jaraa’idka Daily Mail, The Sun iyo Metro oo gudaha dalka Ingiriiska ka soo baxa.

Markii dambe waxey ku fakartay oo ay is tustay in faraantigu uu sankeeda ku soo haray xilli ay farta ku nadiifineysa, maadama ay xilligaa caruur ahayd.

Tonbison waxey u haystay in faraantigu uu ka lumay ama uu tuug ka xaday laakiin waxey tiri: “Marnaba iguna aaney soo dhacdeen in faraantiga uu sankayga ku jira, xitaa haddii aan hal milyan oo sanno oo cimri ah la isiiyo.”

Nafin Kaafaali oo ah dhakhtar sameeya qalliinada is-qurxinta ah ayaa sheegay in arrintani aaney lama filaan ku ahayn, qadiyaduna ay tahay mid iska caadi ah.

Waxa uu tilmaamay in dad badan ay sankooda waxyaabaha qaar ku illoobaan oo ay dhici karto iney mar dambe ku arkaan kuul sankooda muddo dheer ku raagtay, xaaladdaas oo kale marka uu qofku weynaado sankuna wuu la koraa, sidaa dartee; badka gudaha sanka waasac ayuu noqonayaa, sidaa darteed; waxaa dhacaysa in hindhiso ay wax kaaga soo duulaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close