WararkaWaxbarashada

Marka Cadaaladda Loo Siman Yahay… Muwaadin Madaxweynaha Dalkiisa Dacwad Kaga Adkaaday(Muuqaal)

Dhacdo naadir ah oo aan horey loo arkin, Maxkamad Tunisia ku taalla ayaa diiddday dacwad uu madaxweyne Sibsi ka gudbiyay muwaadin uu ku soo eedeeyay inuu noloshiisa khatar ku yahay.

Madaxweynuhu muwaadinka waxa uu ku eedeeyay kiis ku aaddan inuu dadka kaga hor keenayay Baraha-bulshada oo uu ku boorinayay in la waxyeelleeyo naftiisa iyo tan qoyskiisaba, arrintaas oo khatar ku ah fayoobida iyo nabad qabka naftiisa iyo qoyskiisaba.

Madaxweynahu waxa uu ka cabanayay hanjabaado soo gaaray oo sababteeda uu leeyahay Camaad Daqiij oo ka mid ah ilaaliyeyaasha kacdoonkii Tunisia, waxaanuu dacwadda ku soo oogay December 2014, iyadoo dacwaddu ay mudada dheer jiitameysay.

Cimaad Daqiij ayaa inta aan madaxweyne Sibsi xilka qaban oo aan la dooran, waxa uu bartiisa Facebook ku soo qoray.. Waxaan arkaa madaxyo bislaaday oo xilligii la guran lahaa jooga cid kalena guran mayso ee anaa guran doona.. waa eraydii caanka ahaa ee ka midka ahaa khudadii Xajaaj Bini Yuusuf uu kula hadlayay reer Ciraaq ee hanjabaadda ahaa, erayadaas oo loo fasiran karo hanjabaad dhab ah.

Maxkamadda koowaad ayaa xabsi 3 bilood ah ku ridday Daciiji oo dib loogu dhigay fulinta xukunkaas, laakiin maxkamadda racfaanka ayaa bari yeeshay oo dambigii muwaadinka loo haystay ka ridday.

Qofkii dacawadda soo oogay oo ah madaxweynaha Tunisia waxey ku xukuntay inuu bixiyo kharashaadkii lacagaha dacwadda kagaga intii ay dacwaddu socotay.

Dhacdadan ayaa tusaale fiican u ah guusha kacdoonkii Tunisia oo keenay in cadaaladdu noqoto mid ay dadku u siman yihiin cid kasta oo uu la galayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close