WararkaWaxbarashada

Xanjo iyo Caagad Biyo ah oo Kashifay Qofkii Gaystay Dil 26-sano Lagu Wareersanaa(Muuqaal)

Sanadkii 1992 ayaa ra’yil caamka Mareykanka waxaa gilgilay qadiyad kufsi iyo dil iskugu jirta oo loo geystay macallimad gurigeeda ku sugneyd, taas oo xal loo weysanaa mudadaa dheer, illaa ugu dambeyn ay khubarada dambi baarista ay u suurtagashay iney hal-xiraalahaa furaan oo dambiilaha ay soo qabtaan iyagoo adeegsanaya dhalo uu biyo ku cabbay dambiilaha iyo xanjo uu calaanjinayay.

Kiriis Miiraak oo ahayd macallimad dhigta iskuul hoose ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka oo maydkeeda laga helay qolka fadhiga gurigii ay dagganeyd, kadib markii ay la kulantay garaacid iyo kufsi, ceejana lagu dilay, December 21, 1992.

Qoyska ay gabadhooda dhimatay ayaa isku dayayay mudadaa 26 sano ah iney helaan oo mar un gacanta lagu dhigo dambiilaha gabadhooda sidan foosha xun ula dhaqmay ee nafteeda dhaafiyay.

Xilligii uu faldambiyeedku dhacayay khubarada uma aaney suurtagelin iney ka faa’iidaystaan DNA laga helay goobtii faldambiyeedku ka dhacay, si loo helo qofka dambiilaha ah, maadama teknoloojiyada xilligaa la adeegsanayay aaney horumarsaneyn.

Hadaba, isku day lagu baadigoobayo dembiilaha ayaa DNA masraxa dembiga uu ka dhacay loo diray shaybaarka sanadkii 2018, lama filaanku waxa uu noqday in teknoloojiyada casriga ah ee cilmiga genets-ka uu daahrogay tilmaamaha dambiilaha oo la ogaaday midabka timihiisa, haragga jirkiisa iyo indhihiisu sida ay u egyihiin.

Markii xogtaa la geliyay goobtii loogu talagalay ee baaritaannada ayaa waxaa la helay genetcs la hal maal ah tii laga helay goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay, natiijadii la helay ayaa waxey tilmaantay oo ay farta ku fiiqday qoska uu ka tirsan yahay dambiilaha, markii baaritaanka loo sii dhabbo galay qof ayaa tuhunkii lagu soo koobay waa sida uu sheegay websiteka Fox Carolina.

Qofkii dambiga lagu helay ayaa ahaa laxamiiste lagu magacaabo Romenda Ro oo 50 jir ah, sidaa darteed; dambi baarayaashu waxey si qarsoodi ah ku tageen xaflad uu ka qeybgalay oo iskuul uu ka qabanayay, waxeyna heleen xanjo uu cunayay oo uu iska tuuray iyo dhalo uu biyo ku cabbay, waxaana loo diray shaybaarka si DNA-diisa loo baaro.

Natiijadii waxey soo saartay in qofka dembiga galay uu isaga yahay, markii la qabtay oo xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah la hordhigay, ayuu qirtay dambigiisa, markaa ka dib ayuu cudur-daar u jeediyay iyo raalligelin qoyskii ay macallimadu ka dhimatay, xilli geerida macallimada laga joogo 26-sano.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close