WararkaWaxbarashada

6 Sababood oo Ragga Qaar Ay Ku Xushaan Dumarka Dhaadheer ee Labo Lafoodka Ah!(Muuqaal)

Ragga qaar astaamo goonni ah ayey ka eegaan gabadhaha ay doonayaan iney xiriir la sameeyaan, waxey ku xushaan iney dheer tahay, iyagoo sababo badan u cuskanaya oo ay ka mid ah tahay iney iyaguba dheer yihiin, isla markaana ay raadinayaan gabar u dhiganta, arrintaas oo muuqaal wanaagsan oo dhanka bulshada ah u sameynaysa labadooba marka ay isla socdaan, waxaa kale oo jiri kara sababo kale oo kala duwan, waa sida uu qoray website-ka “longtallsally”.

-Halkaa sare wax iiga soo qabo kuma dhahayso.

Haweenayda dheer waxey awooddaa waxyaabaha armaajada dusheeda saaran, iyadoo wax garab ah u baahan.

-Sawirka Selfie-ga ugu fiican ayey kula geli kartaa

Gabadha dheer, waxey leedahay dhudhun dheer oo sawirka Selfie-ga ah fududeyn kara, ayadoo aan loo baahananeyn usha sawirka ee dadka qaar ay isticmaalaan.

-Socodka Wey ku wanaagsan tahay oo ma daahsaneysid marka ay kula socoto

Gabadha dheer, waxaa Alle ku manneystay taallaabo dheerayn, arrintaas oo ka dhigan meel walba oo aad u wada lugeysaan inaad xilli fiican gaari kartaan.

-Markay kula socoto waxaad dareemaysaa iney model tahay.

Dhirirka waa astaamaha ay u badan yihiin dumarka dharka xayaysiiya, sidaa darteed; markay ku hareer socot, waxaad dareemaysaa sidii gabar model ah iney ku garab socoto oo kale.

-Uma baahna kabaha ciribta dheer

Gabadha dheer uma baahna kabo cirib leh oo ay isku dheerayso, sidaa darteed; si fudud ayey meesha ay rabto ku gaari kartaa iyadoo aan wax daal ah dareemin.

-Dhar kasta oo ay xirato wey ku soo baxeysaa

Gabadha dheer wax uu ku wanaagsan yahay oo uu ku soo baxa dhar kasta oo uu xirta.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close