TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Maqaaxi Hungary Ku Taalla oo Shaqaaleheedu Ay Robot Yihiin(Muuqaal)

Waxaa dunida oo dhan la isla yaqaannaa adeegga aad bixiso iyo shaqaalaha aad haysato ay yihiin kuwa maqaaxidaada ka dhaga mid gaar ah oo macaamiisheeda si goonni ah ugu adeegta, caanna ka dhiga oo si aad ah u soo jiidata dadka.

Caasimadda Hungary ee Budapest, maqaayad ku taalla ayaa qofkii iska lahaa uu shaqaalihii aadanaha ku bedelay robot kabalyeeri ah si uu raashinka iyo cabitaanka dadka ugu qeybiy, isla markaana uu madadaaliyo inta ay maqaaxida joogaan.

Maqaaxidan ayaa waxaa lagu magacaabaa Ingawaa buda-best, robot ayaa waxwalba qabta, laga bilaabo soo dhaweynta macaamiisha, u sheekeyntooda, raashin iyo cabitaan siintooda.

Robotka shaqadiisu kuma koobna inuu raashinka qeybiyo oo qura, dadka maqaaxida yimaadda wey la kaftamaan iyo erayo xaraabaad ah oo dadka ka qosliya ay ku yiraahdaan, sidaas oo kale caruurta ay qoyskoodu soo kaxeeyaan wey madadaaliyaan oo ay ciyaarsiiyaan.

Marka uu robotku wadada socdo macaamiisha waxaa loo sheegaa iney wadada ka leexdaan, robotka shaqdu wey u kala qeybsan tahay, qaarkood waxey u xilsaaran yihiin soo dhaweynta iyo marxabbeysiinta shaqaalaha, halka kuwa kalena ay  raashinka iyo cabitaanka qeybiyaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close