WararkaWaxbarashada

Samankii Mucjisooyinka.. Hooyo Chinese ah oo Naas-nuug Yar oo Ay Dhashay oo Jira 23 Maalmood oo Qura Uu Hadlay (Muuqaal)

Hooyada iyo Aabbaha dadaalka badan sanad kadib ayey isku dayaan iney ilmahooda yar ka hadliyaan, laakiin xaaladdu markan wey ka duwan tahay, ilma yar oo dhalashadiisa laga joogo maalmo qura 23 cisho oo qura dhallan ayaa ku dhawaaqay erayga Mama ee hooyo la macnaha ah.

Waxaa dhici karta inaad arrintan khiyaali u aragto, laakiin waa sida xaqiiqada ahaan u dhacday muuqaalna laga duubay.

Hooyo Chinese ah ayaa lama filaan ay ku noqotay kadib markii ay aragtay ilmaheeda yar ee 23-jirka ah uu ku dhawaaqayo erayga Mama, waana sida aad ku daawaneyso muuqaal ay faafisay jariidada Daily Mail.

Xilli ay dhabarkiisa duugeysay ayuu mama ku dhawaaqay, markii hore waxey u qaadatay in wixii ay maqashay uu humaag ahaa maadama uu mararka qaar ilmaha ka soo baxo codod lama filaan ah, laakiin muuqaal ayey ka duubtay si ay u xaqiijiso, waxey aad ugu faraxday in ilmaheeda yar ee maalmaha un dhallan uu mama afkiisa ku yiraahdo, muuqaalku waa mid cajiib ah, muuqaalka inta aan internetka lagu faafin waxaa hor arkay aabbaha dhalay wiilkan yar oo si aad ah ugu farxay dhankiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close